Fiqi: Waa ay ururtey lacagtii laga jaray wasiiradda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo goordhow akhriyay war saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda ayaa sharaxay tallaabooyinkii ay dowladda ka qaadday abaaraha.

Hadalka wasiirka oo u muuqday in uu jawaab u yahay eedeymo loo jeedinayo dowladda oo ku saabsan in ay gacan bidxeysay ka jawaabista abaaraha, kana horumarisay arrimaha siyaasadda ayaa soo taxay dhacdooyinkii hore iyo talaabooyinkii ay dowladda ka qaadday abaaraha.

Warka cusub ee ugu weyn ee ku jirey hadalka wasiirka ayaa ahaa in goaankii bishii diseembar 2021 golaha wasiiradda mushaarkooda looga jaray boqolkiiba 20% uu haatan mirodhalay, lacagtiina ay ururtey, gaartayna $750 kun oo doolar.

Wuxuu kale oo uu sheegay in ay dowladda qeybisay raashiin gaaraya 3.5 kun oo tan , iyada oo todobaadkii ugu dambeeyay oo keli ah la direy 50 tan oo raashiin ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale u muuqday in uu xaqiijinayo in muddada xilhaynta Ergeyga Abaaraha ay ku akayd bisha Luuliyo, isaga oo yiri “Intii u dhaxaysay bishii May illaa Luuliyo, Madaxweynaha waxa uu magacaabay ergeyga abaaraha Soomaaliya “. Wuxuu intaasi raaciyay wasiirka in golaha wasiiradda ay dhiseen Hay’adda maareynta masiibooyinka iyo guddiga gurmadka abaaraha oo 12 xubnood ka kooban.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadday xili Qaramada Midoobay ay shalay ku dhowaaqday in macaluul ay ka dilaacayso Soomaaliya bisha diseembar.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM