Fiqi: Warqadda NISA ee qaraxii Ex-kontarool way siyaasadaysan tahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qoraalkii NISA kasoo saartay qaraxii Muqdisho "uu siyaasadeysan yahay".

Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay in weerarkii is-miidaaminta ee isgoyska Ex-kontarool Afgooye uu qorsheyntiisu lahaa "dal shisheeye" oo aysan si rasmi ah u soo bandhigin magaciisa.

Fiqi, taliyihii hore ee NISA, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada, ayaa soo bandhigay afar qodob oo ku xeeran warqada oo kusoo aadaya xili jaraa'id Turkish ah uu dhacdadaas ku eedeeyay Imaaraadka.

Hoos ka akhriso qoraalka Fiqi

Warqadda hey’adda NISA ee la yaabku ka muuqdo waxaa iiga soo baxey:

-In ay siyaasadaysan tahey, loolankii dawladaha qaarkood ka dhexeeyayna dhiigga masaakiinta Soomaalida la rabo in ay isaga aarsadaan, ayadoo soo dhexmaraya hey’adda nabadsugidda.

-Shabaab In loo cudurdaarayo, lagana leexinayo eedda xasuuqii dhacay.

-In ciidamada Amniga iyo shacabka Soomaaliyeed cadowgii aragagixada ahaa ee ay ka aargoosan lahaayeen laga weecinayo mid aan ahayna loo tilmaamayo.

-In dawladdu ay iska leexiso In alshabaab ka awood batey, sidaas awgeedna meel kale iyo dawlado shisheeye dusha laga saaro.

Waxaa isweydiin mudan haddii NISA sidaan deg-degta ah ay wax ku ogaan karto maxey uga hortagi waayeen inta aan dadka la xasuuqin!

Hey’adda NISA waxey sheegtay In ay hey’adaha sirdoonka caalamka qaarkood ay baaritaanka la kaashan doonto, waxaa looga baahan yahay in banaanka ay soo dhigaan hey’adahaas ay sheegeen?!

Si loo ogaado In baaritaankaasi siyaasadaysan yahay iyo In kale.

Kooxaha argagixisada ama cid kasta oo ku soo hoos-gabata ayaga iyo kuwa marin habaabinta umadda ku samaynaya nooma kala duwana.

Waxaan dalbanaynaa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo dhacdadii xasuuqa Ex-Kontorool Afgooye iyo habdhaqankan cusub ee madaxda NISA ay la soo baxeen oo muujinaya In NISA lafteedu ay ajnabi gacanta u gashay iyo in kale!? Lana Shaaciyo cidda baaritaankaas ka qeybgalaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM