Fuundigii ku caasiyey Boosaasadii soo dhaweysay oo la toogtey

Image
Aadan Maxamed Cali ayaa kamid ahaa laba xukumane oo ay dil toogasho ku fulisay Maxkamada Ciidamada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay magaala madaxda Muqdisho ku toogatay laba xukumane kuwaasoo lagu helay Daacishnimo, Al-Shabaabnimo iyo dilal qorsheysan.

Aadan Maxamed Cali Maxamuud ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu kasoo garba-dagaalamay ISIL iyo Al-Shabaab uuna magaaladda Boosaaso ka geystay falal madax-jabis oo shirqool khaarijin ah.

September, 24, 2018  ayaa la sheegay in uu aagga agabka gaadiidka baabuurta xarunta gobolka Bari uu ku toogtey Madaxii Gaadiidka Madaxtooyada Puntland, Laba Alifle Axmed Hurfe Jaamac Barre

October, 28, 2018 ayaa lagu caddeeyay in uu isla magaalada ganacsiga dowladda Puntland uu nolosha ugu aqoonsadey Ganacsade Cabitaanle ah, laguna magacaabii jiray Cabdiraxmaan Aadan Cali.

"Intii uu joogay Boosaaso, wuxuu ahaa xoogsade ka shaqeynayey dhismaha guriyaha [Fuundi], Aadan Maxamed Cali Maxamuud, oo ISIL kal dambe u soo bandhigtey heshiis uu ku qaadanayay $200 bil walba," ayay tiri maxkamada.

Dhanka kale, Maxamed Cali Maxamed Faarax ayaa waxaa lagu helay in uu ka tirsanaa Daacish isla markaana uu qeyb ka ahaa tababar uu Cabdiqaadir Muumin u soo xiray dagaalameyaal qaar Itoobiyaan ay yihiin.

August, 5, 2019 ayaa lagu waramay in uu suuqa Siinay ee caasimadda Soomaaliya ku khaarijiyey Maxamed Cabdi Dhuxulow oo ahaa kaaba-marqaatihii suuqa waana falka lagu soo qabtey.

"Dhagar-qabaha wuxuu ku howlgalayay qalfoof ahaan qurba-joog aan waligiis arkin Soomaaliya," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka ay maxkamadda kasoo saartey fulinta xukunka dilka toogashada.

Todobaadkan gudahiisa, dowladda Soomaaliya ayaa xukun dil toogasho ah waxay ku fulisay afar xubnood oo lala xiriiriyey kooxaha argagixisadda ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.

Talaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu ku jiro dagaal ayna qaybo badan oo kamid ah waddanka ka socdaan howlgalo waaweyn oo ay qeyb ka yihiin dadka degaanka laguna xoreeyay degaano dhowr ah laguna dilay maleyshiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Waan Shisheeye u Adeegsaday Khilaafka Soomaaliya – Axmed Madoobe oo Kenya la Geeyey

Xogta laga helayo ilo-wareedyada ayaa tilmaamaysa in kulankan uu ka dhashay codsi uu Madaxweynaha Soomaaliya….

  • Soomaliya

    25-10-2024

  • 03:26PM

Booliska Soomaaliya oo fariin digniin ah u diray shacabka Muqdisho

Fariintan ayaa kusoo aadaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay laga digayay weerar argagixiso.

  • Soomaliya

    24-10-2024

  • 03:25PM