Fuusto laga shakiyey oo kusoo caariday xeebaha HirShabelle

Image
Sidaan oo kale 2021 ayaa magaalada Cadale waxaa kusoo caariyay labo fuusto oo ay ka buuxaan waxyaabo aan la garanaynin.

JOWHAR, HirShabelle - Magaalada Cadale ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa 23-kii bishan April waxaa kusoo caariyay hal fuusto oo ay ka buuxaan walxo aan illaa haatan wax fahfaahin laga bixin.

Fuustadaan oo afka ka alxaman ayaa dadka deegaanka iyo masuuliyiinta maamulka HirShabeelle waxay rumeysan yihiin in ay kamid tahay haraadiga sunta ku duugan Badda Soomaaliya.

Sidaan oo kale 2021 ayaa magaalada Cadale waxaa kusoo caariyay labo fuusto oo ay ka buuxaan waxyaabo aan la garanaynin kuwaasi oo ugu danbayn dadka deegaanku ay ku duugeen dhulka hoostiisa.

Illo wareedyo degaanka ah ayaa Garowe Online u sheegtay "dhamaan dadka ka qayb qaatay duugista waa ay geeriyoodaan muddo kadib iyaga oo sii noolaada sanado aan badnayn".

La taliyaha madaxweyne Hirshabeelle, Cali Cabdulaahi Guudlaawe, ee arimaha deegaanka, Axmed Suudi ayaa Garowe Online u sheegay in ay la wadaageen walaacooda madaxda dalka iyo Beesha Caalamka.

"Markasta waan la wadaagnaa saaxiibada caalamka dhibaatada deegaan ee heysata HirShabeelle walaw ay balan qaadyo sameeyaan misana kama soo jawaabaan," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda ay sida ba'an u saameysay isbadalka cimilada. Inkasta oo aysan kamid ahayn dowladaha sababay musiibadan, haddana Muqdisho waxay ku jirtaa dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM