Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Image

MUQDISHO – Kaamirada Ammaanka Oo Duubtay Gaari Hubeysan oo wata Astaanta NISA, lagana Celiyay Iridda Villa Somalia Kahor Intii uusan u Weecanin Xabsiga Sirdoonka ee u Dhow Madaxtooyada

Kaamirada CCTV-da ee amniga ayaa duubtay muuqaal muujinaya gaari walxaha qarxa lagu soo raray oo sida la sheegay ay saarnaayeen rag hubeysan, kuna xardhnaa astaanta hay’adda sirdoonka Soomaaliya (NISA), kaasoo lagu joojiyay labada irid ee dhinaca Ceelgaabta ee laga galo Madaxtooyada Qaranka (Villa Somalia).

Ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijiyay in ciidanka ilaalada Madaxtooyada iyo laamaha kale ee ammaanka ay si guul leh u horjoogsadeen gaarigaas hubeysan, taasoo laga hortagay in uu gudaha u galo xarunta Madaxtooyada — arrin ay saraakiishu ku tilmaameen mid ka hortagtay weerar halis ah oo ka dhan ahaa hoggaanka sare ee dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigaasi markii laga celiyay iridda Madaxtooyada, uu u dhaqaaqay dhanka xabsiga sirdoonka ee Godka Jilicow, kaas oo ku dhow xarunta Madaxtooyada, halkaas oo markii dambe ay ka dhacday qarax weyn iyo weerar ay geysteen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Muuqaalka laga helay kaamirada amniga ayaa haatan loo adeegsanayaa baaritaanka weerarka, iyadoo hay’adaha ammaanka ay wadaan raadraac la xiriira sida gaarigaas u gudbay goobo si weyn loo ilaaliyo, iyo cida fududeysay socodkiisa.

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka ku dooneyso in ay ku suuliso Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM