Gaari ay leeyihiin ciidamadda AMISOM oo qarax "lagu burburiyey"

Image

JOWHAR, HirShabelle - Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi lagula eegtay nawaaxiga degaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in askarta la bartilmaameedsaday xili ay ku jireen socod ilaalo ah.

Lama ogga qasaaraha dhabta ah laakiin dadka degaanka ayaa soo wariyey in ay arkeen gaari kuwa ciidamada ah oo qaraxa uu burburiyay.

Wali wax war ah kama soo bixin taliska AMISOM ee fadhigoodu yahay Muqdisho, laakin Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa.

Baraha internet-ka ee taageera xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa wariyey "in ay khasaaro gaarsiiyeen ciidamadda shisheeye".

Balse waxay ku guuldareysteen in ay carabaabaan waxyeeladda ay sheegteen ama in ay soo bandhigaan caddeymo xoojinaya sheegashooda.

Wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa noqotay mid aad u halis badan Malayshiyada Al-Shabaab ayaa ka geystay dhowr jeer weeraro lagu waxyeeleeyay ciidamada Amisom iyo mas’uuliyiin HirShabelle ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM