Gaas oo Galkacyo yimi, kana hadlay eedaymaha Qarmada Midoobay [Dhagayso]

Image

22 Octobar, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay shir looga hadlayay arrimaha Somalia ayaa maanta soo garay Magalada Galkacyo.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka mahadceliyay soo dhaweyn Galkacyo loogu sameeyay ayaa soo hadal qaaday arrimo dhawr ah oo ku saabsan muhiimadda uu lahaa shirkii Xamar iyo warbin ay soo saartay hay’ada Qaramada midoobey u qabislan la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea  [SMEG] 20 October,2015.Halkan ka akhriso

Gaas ayaa sheegay in shirka Xamar uu lahaa muhiimad ballaaran maadama laga hadlay sidii looga gudbi lahaa marxaladda dalku ku jiro iyo qaabkii lagu heli lahaa doorasho xor ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Puntland muddo u soo taagnayd sidii la isugu keeni lahaa umadda Somaliyeed hatana diyaar u tahay, balse ay ku larantahay helidda xaqeeda sida uu hadalka u dhigay Gaas.

Nidaamka 4.5 aragtida Puntland ka qabto ayaa wax laga weydiiyay Gaas, wuxuuna xusay inuu yahay hab muddo badan lagu soo caano maalay, balse Puntland aragtideeda ka dhiiban doonto waqtiga laga gaaro 2016.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale iska fogeeyay eedaynta Qaramada Midoobay ee lagu xusay warbixin labo maalin ka hor soo baxday oo looga hadlay musuq-maasuqa xukuumadda Puntland, wuxuuna tilmaamay in warbixintaasi labo qodob oo qura looga hadlay kuwaasi oo ku sheegay Kalluumaysiga sharci darada ah iyo shatiya been abuur ah oo ay wateen marakiibta qaybtood, balse aysan jirin musuq-maasuq guud oo laga hadlay.

Hadalkan madaxweyne Gaas ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan cabashooyin xoogan oo ka iimaanay ciidamada iyo Kalluumaysatada Puntland.

Arrimaahasi ayaa soo baxaya xilli dowladda Puntland daabacday lacaga faalso ah, kuwaasi oo dhaliyay in mushahaarka looga kordhiyo Barlamanka Puntland, si aysan uga hadlin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM