Villa Soomaaliya oo sameysay "isku day afgembi fashilmay"

Image
Madaxtooyadda ayaa lagu waramayaa in ay ka bilaabatay adeegsiga ciidamadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiisada Farmaajo iyo Rooble ayaa laga cabsi qabaa in ay si toos ah isugu rogto gacan la hadal ka gedaal markii ay bilaabatay adeegsiga ciidamadda difaaca qaranka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu waramay in Isniinta maanta ay ciidamo horleh dul-dhigtay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ku xaqiijiyey in Rooble uu wajahayo cadaadis ciidan.

Warbixinadda ayaa sheegaya in Rooble la isku dayayo in laga hor-istaago in uu u shaqo tago xafiiska kadib qoraalkii "sharci daradda ahaa" ee xalay kasoo baxay xafiiska Farmaajo.

Al-Cadaala oo kamid ah saaxiibadda aadka ugu dhow Rooble ayaa si toos ah wuxuu talaabooyinka Villa Soomaaliya ku sifeeyay "afgembi dadban balse aanan guuleysan doonin".

"Waxa socda saaka waa afgambi dadban mase guulaysanayo. Ra'iisul wasaare Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fariisiyay. In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxeey furaysaa albaab cusub mana shaqayndoonto insha allaah," ayuu yiri.

Garowe Online ayaa ogaadey in ciidanka AMISOM ay soo farageliyeen qadiyadan una ogolaadeen Rooble in uu galo xafiiskiisa halkaasoo la filayo in uu ku qabto shir jaraa'id uu kula hadlayo dadweynaha.

Farmajo ayaa xalay wuxuu iclaamiyey in uu shaqadda ka joojiyey Rooble "kadib markii lagu tuhmay musuqmaasuq iyo ku takrifalka dhulalka danta guud," sida ku xusan qoraal ay faafisay Madaxtooyadda.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ahaa baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya ayaa ugu qaylo-dhaamiyey bulshadda ku haybta ah Rooble in ay u kacaan "sidii ay xabsiga uga soo saari lahaayeen".

"Sacadow, Rooble xabsiga halaga soo daayo ama waa dhintee Allaha u naxariisto inta howshu aysan gaarin hurdada Asxaabul Kahfiga ee aad ku jirtaan inta ka soo kacdaan, dadku waa idiin diyaar ee kaalaya hoggaansada," ayuu ku qoray Facebook-giisa.

Waa markii ugu horeysay oo doorashadda Soomaaliya ay dib u dhacdey ku dhowaad hal sano. Sidoo kale, waa markii labaad oo ay is-qabtaan Farmaajo iyo Rooble muddo hal sano gudaheeda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM