Galmudug oo Diiday Wakiilo xisbiga Xasan Sheekh JSP u magacaabay Gaalkacyo iyo Cadaado

Image

GALMUDUG — Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug ayaa diiday in xisbiga talada haya ee Justice and Solidarity Party (JSP), uu wakiillo u magacaabo degmooyin ka tirsan deegaanka, arrintaas oo ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ka hor imaanaysa xeerarka nidaaminta axsaabta siyaasadda.

Magacaabista muranka dhalisay oo Axaddii la sheegay in ay dhacday ayaa ku jirtay Abdimanan Maxamed Cusmaan oo loo magacaabay wakiilka JSP ee degmada Gaalkacyo, gobolka Mudug, iyo Cali Axmed oo loo magacaabay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

War-saxaafadeed ay xalay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug waxay ku sheegtay in magacaabistaasi aysan waxba ka jirin, isla markaana ay diyaarinayso hagayaal cusub oo qeexaya sida axsaabta siyaasadda uga qeyb gali karaan doorashooyinka, gaar ahaan kuwa goleyaasha deegaanka.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in baaritaan lagu samayn doono cidda ka dambeysay magacaabista, taas oo ay ku tilmaantay “ficil sharci-daro ah”.

Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay xubno ka yihiin mas’uuliyiin heer sare ah oo ay ku jiraan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa wajahaya su’aalo la xiriira arrintan.

Axsaabta doonaysa inay ka qayb galaan doorashooyinka soo socda ayaa lagu wargeliyay inay sugaan ilaa ay si rasmi ah u dhaqan galaan hannaanka iyo habraacyada ay soo saari doonaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Galmudug iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (NIEBC).

NIEBC horay ayay u faragtay dowlad-goboleedyada inay u oggolaadaan axsaabta diiwaangashan inay xafiisyo ka furtaan dhulkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM