Galmudug oo Jaadka ka mamnuucdey furimaha dagaalka

Image
Ganacsatada iyo Gaadiidleyda ayaa lagu wargeliyey in ay ka waantoobaan falkan.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Galmudug ayaa waxay sheegtay in ay "ka mamnuucdey" degaanada howlgalada ciidamadda ka socdaan in la geeyo Jaad, sidda ku xusan war-saxaafadeed rasmi ah oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

Bayaankan oo kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha maamul goboleedka ayaa waxaa lagu caddeeyay in maandooriyaha Qaadka uu "caqabad uu ku yahay howlgallada socdo".

"Waxa ay wasaaradda u digeysaa ganacstada, gaadiidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta qaad deegaannada iyo degmooyinka ay ka socdaan howlgallada dib u xoreynta Galmudug, sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaannada hoos taga," ayaa la raaciyey.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 25-01-2023, waxa ay Wasaaradda amniga gudaha Galmudug ka mamnuucday deegaannada ay dib u xoreynta ka socdaan in la geeyo Qaad/Jaad, sababo la xiriira caqabad uu ku yahay howlgallada socdo.

Waxa ay wasaaradda u digeysaa ganacstada, gaadiidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta qaad deegaannada iyo degmooyinka ay ka socdaan howlgallada dib u xoreynta Galmudug, sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaannada hoos taga.

Wasaaraddu waxa ay ogeysiineysaa dhinacyada kor ku xusan in gaarigii lagu qabto isagoo wado Qaad/Jaad ay dowladda Galmudug la wareegi doonto, Qaadka saaran la gubi doono, wadaha gaarigana uu ciqaab adag la kulmi doono.

Ugu dambeyn, waxa ay wasaaradda amniga fareysaa laammaha ammaanka dowladda Galmudug in ay ka howlgalaan dhaqan-gelinta amarkaan, gacantana kusoo dhigaan cid walba ee u hoggaansami weyso.


Talaabadan ayaa waxay imaanaysaa xilli ay dhowaan soo baxeen warar sheegaya in weeraradii lagu qaadey furimaha dagaalka dhowr goobood ay Al-Shabaab u fududeysay ciidanka oo hurday kadib markii ay habeenkii mirqaameen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM