Ganacsato Somali ah oo lagu diley dalka Koonfur Afrika

Image

JIMCE, Jan 16,2015 [GO]- Sadex ganacsato Somali ah ayaa xaley lagu diley wadanka Koonfur Afrika kadib markii weerar loo adeegsadey Rasaas iyo Baangad lala beegsadey.

Ganacsatadaan Sadexda ah ayaa AHN waxaa magacyadooda kala ahaayeen Cabdulahi Maxamad Axamad, Cawil Nuur Cali, Cabdulahi Maxamad Shamaaqul.

Labo kamid ah ganacsatada la diley AHN ayaa waxaa loogu soo galey dukaankooda waxaana lala beegsadey Rasaas halka Cabdulahi Maxamad Shamaaqul laga kexeystey halkii uu ku lahaa meharadiisa kadibna lagu garaacey Baangad.

Dalk Koonfur Afrika ayaa waxaa dagan ganacsato badan oo Somali ah kuwaasoo dadka u dhashey dalkaas la beegsadeen dilal kala duwan.

Dadka Somalida ayaa dukaanada ganacsiga  ah ka furta dhulka tuulooyinka ee ka fog magaaloyinka waaweyn iyadoo Booliska dalkaas gacan ka gaysan ilaalinta naftooda iyo hantidooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM