Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Image
Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan falka dilka ah ee dhacay.

CAPTE TOWN, South Africa – Kooxo burcad ah ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Sabti ah ku toogtay labo nin oo Soomaali ah deegaanka Strand oo ah magaalo xeebeedka loo tamashlaha tago ee gobolka Western Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Cabdirashiid Axmed Sheekh Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde ayaa la dilay kadib markii burcad hubeysan ay si gaar ah ugu beegsadeen goobahooda ganacsi.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa u suurtagashay inay baxsadaan kadib markii ay dileen labada wiil ee Soomaalida ah sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sida ay sheegeen asxaabta iyo qoyska, saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay inta ay dhacdu socotay, waxaana loo qaaday isbitaalka si loogu dabiibo.

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan falka dilka ah ee dhacay.

Guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin bulshada Soomaaliyeed, Caamir Sheekh, ayaa cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee burcad hubeysan ay ku qaadeen ganacsato Soomaaliyeed.

Waxa uu intaasi ku daray in wax laga xumaado ay tahay in tuugta ay beegsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana maamulka deegaanka aysan ka hadlin arrintaasi.

Soomaali badan oo nolol  ka wanaagsan mida dalkooda u raadsaday Koofur Afrika ayaa si joogto ah ula kulma weeraro iskugu jira dil, dhawaac iyo dhac aan loo aaba yeellin halka maamulada deegaankana ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan dhibaatada lagu haayo soo galootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM