Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Image
Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan falka dilka ah ee dhacay.

CAPTE TOWN, South Africa – Kooxo burcad ah ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Sabti ah ku toogtay labo nin oo Soomaali ah deegaanka Strand oo ah magaalo xeebeedka loo tamashlaha tago ee gobolka Western Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Cabdirashiid Axmed Sheekh Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde ayaa la dilay kadib markii burcad hubeysan ay si gaar ah ugu beegsadeen goobahooda ganacsi.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa u suurtagashay inay baxsadaan kadib markii ay dileen labada wiil ee Soomaalida ah sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sida ay sheegeen asxaabta iyo qoyska, saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay inta ay dhacdu socotay, waxaana loo qaaday isbitaalka si loogu dabiibo.

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan falka dilka ah ee dhacay.

Guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin bulshada Soomaaliyeed, Caamir Sheekh, ayaa cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee burcad hubeysan ay ku qaadeen ganacsato Soomaaliyeed.

Waxa uu intaasi ku daray in wax laga xumaado ay tahay in tuugta ay beegsadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana maamulka deegaanka aysan ka hadlin arrintaasi.

Soomaali badan oo nolol  ka wanaagsan mida dalkooda u raadsaday Koofur Afrika ayaa si joogto ah ula kulma weeraro iskugu jira dil, dhawaac iyo dhac aan loo aaba yeellin halka maamulada deegaankana ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan dhibaatada lagu haayo soo galootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo Is casilaya Kadib Fashilkii Aadan Yabaal 

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qabsatay 10 saldhig oo milatari ah, halka saraakiisha dowladda ay sheegeen inay iska difaaceen weerarada Kooxda.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 05:58AM