Ganacsiga Jowhar oo u hakaday amar ka yimid Al-Shabaab

Image
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hirshabelle oo ku aadan xaalada ay ku sugan tahay magaalada.

JOWHAR, HirShabelle – Sida ay Garowe Online u sheegeen goobjoogayaal Goobaha ganacsiga ee magaalada Jowhar ayaa xiran maanta maalintii 2aad oo xiriir ah kadib amar ka soo baxay kooxda xiriirka la leh Al Qaacida ee Al Shabaab oo ku sugan deegaano hoos taga caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Kooxda ayaa Ganacsatada magaalada Jowhar ku amartay in ay xiraan goobahooda ganacsi ayna tagaan magaalada Aadan Yabaal oo ah xarunta maamulka Al shabaab ee gobolka Shabeellaha dhexe sida qaar ka mid ah ganacsatada noo xaqiijiyeen.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Jowhar ayaa gaaray magaalada Aadan Yabaal kuwaasoo maamulka Hirshabelle uu qufulo saaray xarumaha ganacsiga ay lahaayeen ganacsatada aaday magaalada Aadan Yabaal una hoggaansatay amarka Al Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle oo ku aadan xaalada ay ku sugan tahay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Bilkaste lacagta aan qasaarno cagliga bini’aadamka aa diidaya sababtuna waa is jiid jiidka laba dhinac ee aan dhexda uga jirno” ganacsade diiday magaciisa sababtoo ah marabou in la aqoonsado.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo dhawaan Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute lagu soo bandhigay xogta siyaabaha ay Al-Shabaab ku helaan hubka iyo cadadka kharashka ay ku soo iibsadaan.

Warbixintaan oo ka kooban 25-bog ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay bil kasta ugu yaraan 2 milyan oo dollar kusoo iibsadaan hub kala duwan.

Warbixintaan ayaa cinwaan looga dhigay “Saanadda Al-Shabaab” waxayna daba socotaa warbixin uu sanadkii hore machadkaan daabacay, taas oo lagu soo bandhigay xogta dhaqaalaha bil kasta u soo xarooda kooxda Al-Shabaab.

Agaasimaha machadka Hiraal Samiira Geed oo la hadashay VOA ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay warbixinta ay soo saareen, iyadoo sheegtay in hubka ugu badan ay Al-Shabaab ka helaan wadanka Yemen oo xuduud badeed la wadaaga Soomaaliya.

Waxay sheegtay in bishii 10-aad ee sanadkii hore ay bilaabeen cilmi baaris ku saabsan sida ay Al-Shabaab ku helaan hubka iyo lacagta ay ku soo iibsadaan inta ay dhantahay.

Daqliga ay ka helaan dadka Soomaaliyeed waxay sheegtay warbixintaan in Al-Shabaab uu siinayo awood ka badan tan dowladda.

“Sanadkii lasoo dhaafay waxaan sameynay cilmi baaris maaliyadeed oo aan ku xaqiijinay in ururka Al-Shabaab ay uruuriyaan ku dhawaad 180 milyan oo dollar sanad kasta, balse waxaan fileynaa in sanadkaan ay intaas ka sii badan tahay, maadaama ay ururku kordhiyaan canshuurta ay qaadaan,” ayey tiri Agaasime Samiira Geed.

Sidoo kale warbixintaan machadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute waxay cadeysay in kooxda Al-Shabaab ay ka taliso dhul balaaran oo ka tirsan Soomaaliya, isla markaana ciidanka qaranka iyo AMISOM aysan weli u suurta gelin inay ka guuleystaan kooxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM

Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 09:34AM