Garabka Xaaf ee Galmudug oo doortay madaxweyne ku xigeen

Image

GAALKACYO, Galmudug – Baarlamaanka fadhigiisu yahay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee taabacsan madaxweyne Axmed Ducaale Geele [Xaaf] ayaa maanta yeeshay "gudoon rasmi ah".

Xareed Cali Xareed ayaa la sheegay in ay u xusheen afhayeenka Golaha Wakiiladda maamulkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mudaneyaasha ay isla maanta doorteen laba gudoomiye ku xigeen.

Mr Xareed ayaa soo noqday gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xeer-dejinta Galmudugta haatan kala qeybsan.

Dhinaca kale, xubnaha taabacsan Xaaf ayaa la tilmaamay in ay isla maanta u coddeeyeen madaxweyne ku xigeen.

Sheekh Ibraahim Xasan Guureeye ayaa la tibaaxay in ay isku raaceen in uu noqdo ku xigeenka Xaaf.

Tani ayaa noqoneysa natiijadda labaad ee kasoo baxda Galmudugta saddex garab u kala jabtay ee kala fadhisa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay ku dhawaaqday in Sheekh Shaakir uu yahay hogaamiyaha maamulkaas, afarta sano ee soo aadan.

Baarlamaanka ay aqoonsan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay madaxweyne iyo ku xigeen ay dooran doonan maalinta Axadda ee soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM