Garoon cusub oo kubadda cagta lagu dheelo oo Bosaso laga furey

Image
Image
Image
Image

April 16, 2015 (GO)- Magaalada Bosaso waxaa xalay laga furay xarun isboortis oo casri ah, taasoo ka kooban garoon kubadda cagta lagu dheelo iyo qayb GIM ah oo loogu talo galay jir dhiska.

Milkiilaha Xarunta Cayaaraha iyo Jimicsiga Jirka ee Puntland Fitness Center Cabdullaahi Sheekh oo ka hadlay munaasabadda furitaanka, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay ka mid tahay xarumo ay horay uga hirgaliyeen Puntland, xilli toddobaadkan garoon kan dhiggiisa ah ay ka fureen magaalada Garowe.

Cabdullaahi Sheekh ayaa sheegay in xarumahan loogu talo galay in qor loogu qaado Isdhexgalka bulshada iyo in dhallinyarada fursad loo siiyo goobo casri ah oo ay ku jimicsadaan waqtiyada firaaqada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda Dekedaha, Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe oo isagu garoonkan xarigga ka jaray ayaa soo dhoweeyay xarunta Puntland Fitness Center ee laga hirgaliyay Bosaso, wuxuuna Ganacsade Cabdullaahi Sheekh ugu hambalyeeyay hawsha uu u hayo bulshada iyo dadaalka uu ku bixiyo horumarinta ciyaaraha.

Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe ayaa dhanka kale xusey in goobaha noocan oo kale ahi ay dhallinyarada ka mashquulinayaan tahriibka iyo waxkasta oo naftooda halis kara.

Cayaartii ugu horeysay ee xalay garoonkan cusub ka dhacdey ayaa dhex martey labo naadi oo ka kala tirsan bahda warbaahinta, waxaana labada naadi kala hoggaaminayey Axmed Jookar iyo Cismaan Turaabi Cayaarata oo ahayd mid aad u xiiso badan waxay guushu ku raacdey kooxdii uu hoggaaminayey Cismaan Turaabi oo iyadu ku guuleysatey 4-3.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM