Gedo oo Xiisad ka Taagan: Soomaaliya iyo Itoobiya oo qarka u saaran Isku Dhac Milatari
Doolow, Soomaaliya – Xiisad siyaasadeed iyo mid militari ayaa cirka isku shareertay kaddib kulan xasaasi ah oo ka dhacay degmada Doolow, gobolka Gedo, halkaas oo saraakiil sare oo Itoobiyaan ah ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo odayaal dhaqameed, xilli dowladda Soomaaliya ay xoojineyso gacanteeda ku haynta Beled Xaawo.
Saddex ilo wareed oo ku sugan gobolka, oo ay ku jiraan mas’uul sare, ayaa sheegay in Itoobiya ay u dirtay jeneraal sare degmadaasi si uu fariin ugu gudbiyo Cabdirashiid Janan, sarkaal hore oo lagu muransan yahay, kaas oo todobaadkii hore si buuxda ula wareegay Beled Xaawo isagoo matalaya dowladda federaalka.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in jeneraalka Itoobiyaanka ah uu si cad ugu sheegay odayaasha iyo mas’uuliyiinta Jubbaland in Janan iyo ciidamadiisa laga saaro Beled Xaawo, isagoo xusay in Itoobiya ay muddo dheer la shaqeyneysay ciidamada Jubbaland arrimaha amniga awgeed. Markii odayaasha weydiiyeen sababta looga horjeedo ciidamada dowladda, waxa la sheegay in uu si toos ah ugu muujiyay in iskaashi amni oo ay la leeyihiin Jubbaland uu halis galayo.
Sidoo kale, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegay in ciidamo ka socda Masar laga yaabo in lagu daabulo gobolka, tallaabo laga cabsi qabo in ay si weyn uga xanaajiso Itoobiya. Midowga Afrika ayaa la sheegay inuu oggolaaday Masar in ay ciidamo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) keento gudaha dalka.
Ciidamada Itoobiya ayaa weli taageero siinaya duqa degmada Doolow, kaas oo si cad uga soo horjeeda dowladda federaalka. Sida ay sheegeen ilo amni, ciidamada Itoobiya ayaa horey u kala diray cutub yar oo ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa Doolow, iyadoo madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa.
Khilaafka cusub ayaa la rumeysan yahay in uu si daran u dhaawici karo xiriirka dib u soo kabanayay ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib murankii adkaa ee sanadkii hore ka dhashay heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.
Arbacadii, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku cambaareysay mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, gaar ahaan madaxweyne ku xigeenka Maxamuud Sayid Aadan, oo ay ku eedeysay inuu wado qorshe lagu hurinayo colaadda gobolka. Bayaanka dowladda ayaan si toos ah loogu xusin saraakiisha Itoobiyaanka ah ee socdaalka ku yimid Doolow iyo deegaannada xuduudka, inkastoo ilo wareedyo sheegayaan in kulamo hoose ay la yeesheen Jubbaland iyo odayaasha deegaanka.
Waxaa la saadaalinayaa in haddii ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ay si buuxda ula wareegaan Beled Xaawo, islamarkaana ay ka saaraan dowladda dhexe, ay arrintu horseedi karto burbur kale oo ku yimaada xiriirka labada dal ee dariska ah.
GAROWE ONLINE