Geel ku le'day Jubaland kadib xanuun dhif ah soo soo ritay

Image
Geel gaaraya 7,500 ayuu xanuunkaan soo ritay ayna ku dhamaadeen tirro dhan 3,500.

KISMAAYO, Jubaland - Deegaanada Jubaland ayaa lasoo sheegayaa in uu halkaasi ka dilaacay xanuun hor leh kaasi oo saamayn ku yeeshay xoolaha gaar ahaan Geella oo kamid ah kheyraadka ay Soomaalida sida weyn u ilaashadaan.

Wasiirka xanaanada Xoolaha ee dowlad goboleedka Jubaland, Maxamed Nuur Cali (Nuuraani) ayaa shaaca ka dhigay in aysan illaa hadda xanuunkaan si gaar ah u aqoonsan.

"Maadaama oo dalka uusan ka jirin sheybaar qaran xanuunkaan ilaa hadda ma garan laakiin waxaan u malaynaynaa in uu yahay midka ay soomaalidu u taqaano, Qaraha," ayuu tibaaxay.

Geel gaaraya 7,500 ayuu xanuunkaan soo ritay iyada oo ay bakhtiyeen xoolo gaaraya 3,500, sida uu ku dhawaaqay wasiirka xanaanada xoolaha ee Jubaland.

Xoolo dhaqatada oo iyagu ay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha ayaa soo wariyay in ay ka walaacsan yihiin in ay soo food saarto duruufo nololeed oo adag.

Barakac hor leh oo ka dhasha le'eshada xoolahan ayaa laga digay iyada oo dhawaan ay ahayd markii dowladda Kenya ay sheegtay in ay furayso xeryo qaxooti oo hor leh soomaalida kusoo cararaysa Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu wali ka hadlin xanuunkaan cusub ee lagu arkay deegaanadda Jubaland iyada oo dhawr mar laga dhawaajiyay muhiimadda Sheybaar qaran oo dalka laga hirgeliyo si loola tacaalo xaaladahan oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM