Geelle: " hanjabaadaha Al-shabab saameyn weyn yeelan mayaan"

Image

February 24, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay hanjabaadihii kasoo yeeray ururka Al-shabaab ee la xiriirey inay weerarro ka geysan doonaan dalalka reer galbeedka.

Geelle oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka-Soomaaliga ee idaacadda VOA wuxuu hanjabaadaha Al-shabaab ku tilmaamey kuwo hadal un ku eg balse aan wax saameyn ah oo sidaas u sii weyn yeelan doonin.

Wuxuu sidoo kale sheegay in awoodda Al-shabaab xilligan marayso meeshii ugu dambeysey taasna ay caddeyn u tahay nooca weerarrada ay geysanayaan.

Muuqaal Al-shabaab ka diyaarisey weerarkii Westgate Mall oo maalmo kahor internetka lagu baahiyey ayaa waxaa ku jirey hanjabaado la xiriira in la bartilmaameedsan doono suuqyada waaweyn ee caanka ah ee ku yaalla dalalka Yurub iyo Maraykanka.

Meelaha sida gaarka ah Al-shabaab farta ugu fiiqdey waxaa kamid ah Mall of America oo ku yaalla Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo weliba suuqyo kale oo ku yaalla dalalka Britain iyo Canada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM