Waa Kuma General kumanaan qof ugu banaanbaxeen waddooyinka Muqdisho?

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal sare Sheegow Axmed Cali oo mudadii dambe la hadal hayay, waxa uu maanta sabab u noqday in tira shacab oo boqolaal gaaraya ay isugu soo baxaan wadooyinka ugu waawweyn ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa sannadkii 2014-kii ka goostay al-Shabaab isagoo u qaabilsanaa ururinta dhaqaalaha. Wuxuuna doortay inuu baxsado oo uu isku soo dhiibo ciidamada dowladda.

Sheeegow ayaa sidoo kale hore ayey al-Shabaab jab weyn kala kulmeen waaga uu maamuli jiray saldhigga deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxaa keenay Xarigiisa?

Xog ay heshay Garowe Online ayaa sheegeysa in Sheegow uu difacayay askar lagu soo eedeeyay inay dhac geysteen, Booliska ayaana ogolaanshiyo ka helay Maxkamada si ay gacanta ugu soo dhigaan.

Waxaa markii hore la isku dayey in wadahadal lala galo oo ay garwadeen ka ahaayeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, balse arrinkaas ayaa markii dambe fashil kusoo dhamaday, taas oo ku qasabtay ciidamada amaanka inay awood u adeegsadaan soo qabashada Sheegow, waxaana goobta ka dhacay dagaal saacado socday oo ay ku dhinteen laba askri oo ka amar qaadanayey sheegow.

Mawqifka Dawladda:

Afhayeenka Booliiska Saddiiq Aadan Cali Doodishe ayaa yiri: “Sheegow wuxuu ahaa shaqsi horay looga ruqseeyay ciidanka, gurigiisana ay gabaad ka dhigan jireen cidkasta oo dhac geysata”

Wuxuu intaas raaciyay: “Sheegow waxa uu horraan ka tirsanaa ciidamada dowladda waxa uuna haystay darajada Kabtanka [Captain], ma ahayn Janaraal balse waxa uu xiran jiray dareyska Janaraalnimo”

ِAragtida Banaanbaxayaasha:

Dhinaca kale, dadka qaar ayaa beeniyay eedeymahaas oo ay ku jiraan boqolaal maanta isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoo sheegay in xariga uu salka ku haayo isir naceyb.

Mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa yiri: “Marar badan ayaa nala soo weeraray, laakiin ma oggolaan doono wax intaas ka badan, waxaana qaadi doonnaa tallaabooyin kale haddii aan Sheegow la sii deyn.”

Banaanbaxayaasha ayaa muujiyay sida ay uga careysan yihiin qaabka loola dhaqmay Sheegow iyo askartiisa markii la xirayay, kadib muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada oo muujinaayay in askartiisa la garaacay, halka “dambas” madaxa loo galiyay Generalka.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale cambaareeyey in lagula dhago sheegow darjadiisa ciidan ee "Sareeye Guuro" ah, iyaga oo tixraacaya warqad uu madaxweynuhu saxeexay 2016 oo ku xusan in Sheegow loo dalacsiiyay darajadaas.

Professor Maxamed Cumar Dalxa oo waagaas ahaa Gudoomiye Ku-xigeenka Aqalka Hoose ayaa xaqiijiyey inay dhab tahay warqadda uu madaxweynuhu soo saaray, isagoo ku nuux-nuux saday in dalacsiintan ay ku timid qancinta beesha uu ka soo jeedo Jeneraalka, kadib cabasho ay ka qabeen awood qeybsiga Dawladda Hirshabelle oo markaas la dhisay.

Maxaa farqi ah oo u dhaxeeya darajada Kabtan iyo Jeneraal?

Booliisku waxay ku adkaysanayaan in Sheegow uu yahay Kabtan, halka taageerayaashiisa ay ku andacoonayaan inuu yahay General, maxay ku kala duwan yihiin labada darajo?

Kabtanka oo sidoo kale loo yaqaan Dhamme ayaa xakuma 100 askari oo keliya, Halka Sareeye guuto ama Generalka oo inta badan hoggaamiyo 2,500 oo askari. Darajada sareeye guuto ayaana ah darajada ugu hooseeysa oo qofka ku hana karo xilka Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Maxay ka qabaan Bulshada Soomaaliyeed?

Haddaba, waxaa kala qeybsan aragtida dadweynaha, iyadoo qaarkood ay u arkaan sheegow hogaamiye iska diiday dulmi, kuwaas oo caasimadda dalka ka banaanbaxay maanta iyaga oo raadinaya cadaalad sida ay sheegeen.

Halka dhinaca kale ay aaminsan yahiin in muhiimadda ugu weyn ay tahay ilaalinta amniga caasimadda, cid kasta oo wax u dhimeysana ay tahay in meel looga soo wada jeesto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo $1.5 million ku bixiyay Shirka Switzerland

Kharashka safarada joogtada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sababay walaac ku saabsan mas'uuliyad xumida iyo isla-xisaabtan la'aanta.

  • Soomaliya

    21-01-2025

  • 08:21AM

Ahmed Madobe oo Nairobi kawada kulamada safiirada Beesha Caalamka

Safarka Axmed Madoobe ee Kenya ayaa ka caraysiiyay dowladda Soomaaliya, maadaama xanibaadii socdaalka socon waysay.

  • Soomaliya

    20-01-2025

  • 05:05PM