Go'aan cusub oo laga gaarey mustaqbalka ciidamadda ATMITS

Image
Image
Image
Image
Madaxda dalalka ay ciidamadda ka joogaan Soomaaliya oo ku shiray Kampala ayaa isla-meel-dhigay dhowr qodob.

KAMPALA, Uganda - Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda intii u dhaxeysay 26-da illaa 27-da Abriil 2023 ayaa soo saarey war-murtiyeed.

Shan qodob ayaa ugu muhiimsan war-murtiyeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayna ku saxiixan yihiin hogaamiyeyaasha ka qeybgalay wadahadaladdan.

1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024.

2- In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.

3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

4-Waxaa la bogadiyay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.

5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed, & Midnimada Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

Image

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM