Go'aanadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo kiciyey guux siyaasadeed

Image
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbadey in hoos loo dhigo walaaca laga muujiyey heshiiskan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiyiin kala duwan ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku naqdiyay go'aanaddii isbadalka ku sameeyay hanaanka siyaasada Soomaaliya ee kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Xubnahan bayaankan faafiyey ayaa isugu jira madaxwayneyaal hore - heer federaal iyo heer maamul goboleed - ra'iisul wasaareyaal hore iyo mas'uuliyiin kale oo xilal kala duwan soo qabtey.

Baarlamaanka labadiisa aqal ayay ugu baaqeen "in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ayna dalka ka badbaadiyaan damac kasta oo aan u adeegayn danta guud iyo geeddisocodka dowlad dhiska dalka".

"Ma jirto xoog iyo dirqin"

Dhanka kale, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo labo jeer difaacay war-murtiyeedka tan iyo markii uu soo shaac-baxay ayaa ku adkeystay in go'aanadan aysan ahayn kuwa kama dambeys ah.

"Go'aamada [Golaha Wadatashiga Qaranka] waa heshiis siyaasadeed oo ay u dhiman tahay talada baarlamaanka iyo shacabka. Ma jirto cid dadka Soomaaliyeed ku xukumi karta xoog iyo dirqin".

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qudhiisa waxa uu ku nuux-nuux-sadey in heshiiskaas uu mari doono dhamaan habraacyadda dowladnimada isaga oo ku booriyey shacabka iyo siyaasiyiinta in ay shakiga yareeyaan.

"Ma jirto federaal burburin"

Muddadii ay socdeen shirarkii kala duwanaa ee Golaha Wadatashiga Qaran ayuu xusay in lagu gaaray go’aamo masiiri ah oo ay kamid yihiin, asteynta awoodaha dowliga ah, qaab dhismeedka amniga, hannaanka caddaaladda iyo hannaanka maamulka maaliyadda.

"Waxa uu ahaa shirkii lixaad oo ay isugu yimaadaan Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana ay ku guuleysteen arrimaha waaweyn oo ay ahayd in horey loo gaaro kuna saleysan dastuurka," ayuu carabka ku adkeeyay.

In dalka uu yeesho Madaxweyne iyo ku xigeen ayuu tibaaxay aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka wallow illaa haatan aysan jirin cid hadalka sidaas u dhigtey.

"Waa qabyo-tirka dastuurka"

Siyaasiyiin uusan magacyadooda carab-dhabin ayuu ugu baaqay in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.

"In dalku yeesho madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen kama dhigna in federaalka la burburiyey; waxay qeyb ka tahay dhameystirka dastuurka iyo in aan isku-qarinay wixii laga baqi jiray," ayuu yiri.

Dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu noqdey mashruuc aan dhamaad lahayn kaasoo ay ku baxdey lacag tiro badan oo wali aan la tirokoobin, waana mid kamid ah arrimaha dhextaalka u ah khilaafaadka siyaasiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray la dagaalanka kooxda AS

Wasaarada Amniga gudaha ayaa golaha la wadaagtay xogta howlgalada socda iyo khasaaraha.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:40PM

Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo shiray xilli ay xiisad siyaasadeed jirto

Kulankan ayaa yimid iyadda oo uu kulamada Aqalka Sare hakad ugu jiraan maqnaanshiyaha xubnaha Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:23PM