Go'aano laga soo saarey shir looga hadlay amniga Muqdisho

Image
Is-aragan ayaa imaanaya xilli caasimada ay maalmii lasoo dhaafay wajahdey weeraro.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xoojinta amniga Dalka, la dagaalanka argagaxisada, dardargelinta sugidda amniga Muqdisho  iyo adkaynta amniga Doorashada.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay'adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga caasimadda oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka barlamaanka  iyo Madaxweynaha J.F  Soomaaliya.

Eng. Rooble ayaa ku boggaadiyey hay'adaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan ee lagu ciribtirayo kooxaha dhibaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxuna ku adkeeyey in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin argagixisadu.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wasiirka gaashaandhiga oo fahfaahiyey kulanka, ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka lagu gaarey "go'aano ay ku farxi doonan shacabka Soomaaliyeed" oo khuseeya xasilinta Muqdisho.

Horaantii bishaan gaar ahaan xilli habeen ah, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhiga degmada Kaxda. Falkaas waxaa loo adeegsadey qarax is-miidaamin iyo weerar toos ah. Khasaaro u badan burbur hantiyeed ayaana ka dhashay.

Isla habeenkaas, maleyshiyadda ayaa beegsatay kolanyo waday mas'uul aaga Daaru Salaam. Sidoo kale, fariisimo ciidanka ku leeyihiin duleedka magaala madaxda ayay weerartay. Wadarta, geerida 5 qof ayaa lasoo wariyey.

Maalmo kahor dhacdooyinkaan, qarax is-miidaamin ayay ku weerartey kolanyo wadday ergada kuraasta gobolada waqooyi ee doorashada golaha shacabka. Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa la sheegay in uu sababay falkaas. Inta badan falalkan waxaa ka dambeysay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM