Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho
Muqdisho — Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council) ayaa si rasmi ah u aqbalay casuumaadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran, oo lagu wado in 1-da Febraayo 2026 lagu qabto magaalada Muqdisho, xilli dalka uu marayo marxalad xasaasi ah oo dhinacyada siyaasadda, dastuurka iyo amniga ah.
Goluhu wuxuu xusuusiyay in shir ballaaran oo ka dhacay Kismaayo 18–20 Diseembar 2025 uu ku baaqay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu dambeyn 20-ka Janaayo 2026 isugu yeero kulan lagu gaari karo is-afgarad qaran oo ku saabsan hannaanka lagu qabanayo doorashooyinka hay’adaha Dowladda Federaalka. Taas beddelkeeda, Dowladda Federaalka ayaa 19-ka Janaayo 2026 si rasmi ah ugu casuuntay Golaha ka-qaybgalka wadahadal qaran oo ballaaran.
Bayaan uu soo saaray Goluhu ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wajahayo caqabado is biirsaday oo halis ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Weerarro sii kordhaya oo ay geysanayaan kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish
Abaar baahsan oo muddo dheer saameyn ku yeelatay bulshada guud ahaan dalka
Dhibaato dhaqaale oo sii xumaanaysa
Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka
Goluhu wuxuu ka digay in dhibaatooyinkan ay kusoo beegmayaan xilli aad u khatar badan, iyadoo saddex bilood oo kaliya ay ka harsan yihiin muddada sharciga ah ee hay’adaha Dowladda Federaalka, halka ay horay u dhammaatay muddadii sharciyeed ee qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, taasoo abuureysa halis faaruq dastuur ah.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in dalka uu ku jiro “marxalad aad u nugul” oo ay khatar ku jirto dowladnimada iyo midnimada qaranka. Wuxuu ka digay in sii socoshada khilaafaadka siyaasadeed iyo dastuuriga ah ay wiiqi karto midnimada dhuleed iyo tan bulsho, isla markaana ay fursad siin karto kooxaha xagjirka ah iyo cid kasta oo cadownimo u qabta Soomaaliya.
Ka dib wadatashi ballaaran, Goluhu wuxuu sheegay in uu go’aansaday ka-qaybgalka wadahadalka Muqdisho si looga hortago qalalaase dastuur ah loona raadiyo xal qaran oo loo dhan yahay, kaas oo ilaaliya midnimada Soomaaliya iyo sii jiritaanka hay’adaha dowladeed.
Si kastaba ha ahaatee, Goluhu wuxuu adkeeyay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu qaado tallaabooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo in wadahadalku ku dhaco jawi kalsooni, is-aaminaad iyo niyad-sami. Golaha ayaa soo bandhigay qodobbo mudnaan gaar ah leh oo ajandaha wadahadalka ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
In si degdeg ah loo joojiyo wax ka beddel kasta oo lagu sameynayo Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee 2012
Xoojinta amniga qaranka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish
In la gaaro heshiis ballaaran oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorasho ee hay’adaha Dowladda Federaalka
Ilaalinta midnimada qaranka iyo isku-duubnida bulshada
Wax ka qabashada abaarta saameysay guud ahaan dalka
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaciyay in Guddigiisa Farsamo, oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), uu mas’uul ka noqon doono dhammaan diyaarinta iyo arrimaha farsamo ee la xiriira wadahadalka.
GAROWE ONLINE