Golaha Shacabka oo ganafka ku dhuftey "ajende doc faruur ahaa"

Image
Mudaneyaasha Aqalka Hoose ayaa codsadey in ay madaxda laamaha ammaanka hor-yimaaddan Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka oo Sabtida maanta ah kulmay ayaa waxay diideen ka doodista Hindise Sharciyeedka Korontadda oo guddoonka soo jeediyey.

Mudaneyaasha ayaa codsadey in laga hadlo xaaladaha amni ee waddanka. Xildhibaano goobta la hadlay waxay codsadeen in golaha hor-yimaadaan madaxda laamaha ammaanka si su'aallo looga waydiiyey.

Xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo kamid ah xubnaha Aqalka Hoose ayaa qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa Facebook-ga wuxuu guddoonka ku eedeeyay soo-dhoo-dhoobida "ajende doc faruur ahaa".

Talaabadda mudaneyaasha ay ganafka ugu dhufteen ajandaha uu soo diyaariyey guddoonka ayuu ku tilmaamay "guul iyo talaabo bilow wanaagsan u ah Golaha Shacabka".

"Waa guul iyo talaabo bilow wanaagsan u ah Golaha Shacabka oo maanta si aqlabiyad leh isaga diidey isla markaasna meesha ka saarey ajende doc faruur ahaa oo uu Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur jeebkiisa ahaa iyadoo ajendeyaal mudnaan u leh qaranka sida amniga iyo budget maaliyadeedka sanadlaha ah ee dalka ay yaaleen," ayuu xusay.

Wuxuu raaciyey: "Ajendaha Gudoomiyuhu keenay oo ahaa #Hindise_sharciyeedka #korontada oo aan wax sharciyad haysan soona marin Guddiga Joogtada ee Barlamaanka ayns soo meelmarin Kalfadhiga 2aad ee barlamaanka ee hadda furan".

"Talaabadan maanta xildhibaanadu ku laaleen ajendaha Gudoomiye Madoobe watey waa fariin iyo isbedel hoggaanka Golaha Shacabka Barlamaanka oo hadda u muuqda mid ku fashilmey ama gudan waayey waajibaadkii loo igmadey ee ay ugu horeyso ilaalinta haybaddda golaha shacabka iyo shariafkii qaranka," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Talaabadda Xildhibaanadda ayaa kusoo hagaagaysa xilli dhowaan Al-Shabaab ay weerartey Hotel Villa Rays oo ku dhow Madaxtooyadda Qaranka halkaasoo ay haysteen ku dhowaad 23-saac ayna dileen 15 u badan rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM