Golaha Shacabka oo ka dooday in hub-ka-dhigis lagu sameeyo shacabka

Image

Mogadishu, (GO)- Golaha Shacabka ayaa maanta ka dooday sharciga hubka ee Soomaaliya, si loo diiwaan geliyo, lana ogaado cidda iska leh, kaasoo fududeynaya shaqada hay’adaha amniga haddii uu fal dambiyeed dhaco.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa xaqiijiyay walaaca ay ka qabaan go’aankan, iyaga oo sheegay in uu kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo halis amni oo uga imaanayo argagaxisada..

Xildhibaanada qaar ayaa aaminsan in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ku tiirsan yahay dadka deegaanka oo hubkooda wata.

Sida ay ku andhacoodeen mudanayaasha qaar hubka waxa uu muhiimad weyn u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, maadama ay duruufaha ku qasbeen inay qaataan oo ay is difacaan kadib sanado badan oo dowlad la’aan ah. 

Xildhibaanada ayaa sidoo kale su’aal ka keenay in dowladda ay shacabka kala wareegto hubka, maadaama ay awoodaas laheyn, iyada oo shacabka ay heystaan hub ka casrisan kuwa ay dowladdu leedahay.

Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay in suuqyada hubka ee magaalada Muqdisho lagu iibiyo Madaafiic, isaga oo su’aal ka keenay sida uu Baarlamaanka u meel marin doono sharcigiisa qabyada ah haddii la ansixiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay sharciyeyso hubka, isla markaana hub ka dhigis lagu sameeyo shacabka, sababo la xiriira qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM