Golaha Wasiirada Soomaaliya oo magacaabay danjireyaal cusub

Image
Shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu meelmariyay Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa kulan isugu yimid, ayaa lagu ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka, oo kala ah:

1. Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir

2. Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Siyaasaddan cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka.

Khubaro ku xeeldheer arrimaha qorsheynta iyo maamulka dowladda ayaa golaha u soo bandhigay qaababka ugu habboon ee dalka looga hirgelin karo hannaanka NTP, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara.

Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha ka siiyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyada oo la xoojiyey qorshayaasha lagu sugayo amniga iyo ciribtirka kooxaha argaggixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray la dagaalanka kooxda AS

Wasaarada Amniga gudaha ayaa golaha la wadaagtay xogta howlgalada socda iyo khasaaraha.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:40PM

Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo shiray xilli ay xiisad siyaasadeed jirto

Kulankan ayaa yimid iyadda oo uu kulamada Aqalka Sare hakad ugu jiraan maqnaanshiyaha xubnaha Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:23PM