Gollaha Amaanka oo war kasoo saarey weerarkii Muqdisho

Image

NEW YORK - Dowladaha Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, ayaa maanta oo Isniin ah war qoraal ah kasoo saarey weerarkii dhimashada badnaa ee ka dhacay sabtidii Isgoyska Ex-control ee magaaladda Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee UN-ka, António Guterres ayaa ku qeexay qaraxa "mid aad looga argagaxo", isagoo ku baaqay in cadaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay, kuwii maal-geliyay iyo kuwii soo abaabulay.

Gollaha Amaanka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarka, waxaana bogsasho deg-deg ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay oo qaarkood kuwa xaaladoodu liidato loo qaadey dalalka Turkiga iyo Qatar.

"Xoghayaha Guud wuxuu mar kale ku celcelinayo sida ay uga go’an tahay Qaramada Midoobay in ay taageerto dadka iyo Dowladda Soomaaliya dadaalkooda ku aadan nabada iyo horumarka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Gollaha Amaanka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay si wadajir ah ula dagaalamaan kooxaha argagaxisada, ee doonaya inay dalka kahor istaagaan horumarada uu sameynayo.

Qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-control waxa uu noqday midkii 3aad oo ugu khasaaro badan oo ka dhaca Muqdisho, marka laga yimaado weeraradii Hargaha iyo Saamaha 2011 iyo midkii 14-kii October, kuwaasoo boqolaal lagu dilay.

Al-Shabaab waxay sheegatay oo kaliya weerarkii Hargaha iyo Saamaha, balse ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda labada qaraxa ee kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM