Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, 23 December 2025 — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta la filayaa inuu cod ka bixiyo qaraar lagu kordhinayo muddo hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) muddo hal sano ah, ilaa 31 December 2026.

Boqortooyada Ingiriiska (UK), oo hogaaminaysa arrimaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, ayaa soo jeedisay qoraalka qaraarka ka dib todobaadyo wadahadallo adag ah iyo dib u dhac ka dhashay khilaafaad ka dhex jiray xubnaha Golaha.

Qaraarka cusub wuxuu xaqiijinayaa sii joogista 11,826 oo shaqaale ciidamada ah, oo ay ku jiraan 680 booliis, wuxuuna adkeeyaa baahida loo qabo maalgelin dheeraad ah iyo taageero caalami ah si ciidanka Soomaaliya uga caawiyaan la-dagaallanka weerarada Al-Shabaab ee sii xoogeysanaya. Sidoo kale, qaraarku wuxuu codsanayaa in la sii wado qiimeyn farsamo oo wadajir ah oo ay sameeyaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya si loo kormeero horumarka ku aaddan wareejinta masuuliyadda amniga ee dalka.

Wadahadallada qaraarka ayaa noqday kuwo adag kadib khilaaf ka dhex jiray xubnaha Golaha oo ku saabsan in qoraalka lagu daro mustaqbalka Hawlgalka Kaalmada Kala-guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS). Kooxda “A3 Plus”—oo ka kooban Algeria, Sierra Leone, Somalia iyo Guyana—ayaa diiday in qaraarka lagu daro qodobo la xiriira UNTMIS, iyagoo ku dooday in hawlgalkiisa lagu maamulo si gooni ah.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026, iyadoo la raacayo qorshaha kala-guurka ee howlgalkaas.

Haddii qaraarkan la ansixiyo, wuxuu saameyn weyn ku yeelan doonaa geeddi-socodka kala-guurka amniga ee Soomaaliya labada sano ee soo socota, iyadoo ay jiraan cadaadisyo gobolka iyo kuwo amni oo sii kordhaya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM

Turkiga oo Markabka Casriga ah ee Çağrı Bey u soo Diray Soomaaliya

Tallaabadan ayaa waafaqsan aragtida Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ah in Turkigu noqdo dal soo saara tamarta uu isticmaalo.

  • Soomaliya

    15-02-2026

  • 06:12PM