Griffiths: Caalamka waxaan u sheegayaa in Soomaaliya dimuqraaddi tahay

Image
Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini'aadannimada ayaa la kurmay Ra’iisul wasaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini'aadannimada, Martin Griffiths.

Xamse iyo Griffiths ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen wada shaqeynta iyo xiriirka hay’adaha Dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay ee la xiriira arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo samafalka.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siinayso arrimaha gurmadka abaaraha iyo u diyaar garowga sidii xal waara looga gaari lahaa abaarta soo noqnoqtay," ayuu yiri xafiiskiisa.

War-saxaafadeedka xafiiska wasiirka koowaad ayaa la raaciyey: "Iyadoo ay Dowladdu xooga saari doonto, buu yiri sidii loo heli lahaa qorshayaal fog oo looga hortagayo abaaraha".

Dhanka kale, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini'aadannimada, ayaa sheegay in farriinta uu u qaadi doono caalamka ay tahay in Dowladda Soomaaliyeed ay tahay mid Dimuqraaddi ah.

"Isla markaana leh siyaasado fadhiya oo ay wax ugu qabaneyso shacabkeeda – caalamkana uu ka codsan doono in gacan la siiyo Soomaaliya xilligan adag ee ay ku jirto," ayaa la raaciyey bayaanka xafiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM