Guddiga doorashada oo fariin u diray madaxda maamulada

Image
Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galkeed ayay si gaar ah dhambaal culus hawada ugu mariyeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ayaa faray guddiyada Puntland, Jubaland iyo HirShabelle in ay 48-saac gudahooda ku bilaabaan xulista Golaha Shacabka "ama shacabka u caddeeyaan caqabadaha haysta".

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa hoosta looga xariiqay in dib-u-dhac kasta uu mas'uuliyadeeda qaadayo Golaha Wadatashiga Qaranka "oo siyaasiyan dhankooda uga xaniban-tahay doorashadda".

"Ugu dambeyn, ayada oo GHDHF ay horey u shaaciyeen jadwalka doorashada golaha shacabka oo ku asteysanaa 24- Disember 2021, wuxuu guddigu caddeynayaa inuu mar walba ku dedaalayay sidii jadwalkaas loo hirgalin lahaa ayna guddiyada heerarkooda kala duwan dhameystireen diyaar garawga qabashada doorashada," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeedka.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayay ugu baaqeen "inay gutaan mas’uuliyadda saaran ayna dedejiyaan doorashada golaha shacabka, iyadoo la raacaya habraacyada iyo hanaanka hawlgalka doorashada, si loo xaqiijiyo daah furnaanta iyo hufnaanta doorashada".

Bishan December 24-keeda ayuu guddiga horey ugu asteeyay in lasoo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka. Hase ahaatee, waxaa muuqaneysa in ay suurtagal ahayn maadaama waqtiga uu gabaabsi yahay.

"Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federal (GHDHF) wuxuu cadaynayaa in doorashadii kuraasta aqalka sare soo dhamaatay, ayna bilaamatay kuraasta gollaha shacabka ilaa haddana 24 kursi la qabtay doorashadooda, iyadoo laba ka mid ah natiijadooda guddigu laalay, halka kursi kalana dacwadiisu la taallo guddiga xalinta khilaafaadka," ayay hoosta ka xariiqeen.

Ugu dambeyntii, guddiga maamulka kuraasta gobolada waqooyi, maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayay ku bogaadiyeen dardargelinta doorashadda mudaneyaasha Aqalka Hoose kuna booriyey in ay sii dhaqaajiyaan geedi-socodka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM