Guddiga doorashada oo fariin u diray madaxda maamulada

Image
Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galkeed ayay si gaar ah dhambaal culus hawada ugu mariyeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ayaa faray guddiyada Puntland, Jubaland iyo HirShabelle in ay 48-saac gudahooda ku bilaabaan xulista Golaha Shacabka "ama shacabka u caddeeyaan caqabadaha haysta".

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa hoosta looga xariiqay in dib-u-dhac kasta uu mas'uuliyadeeda qaadayo Golaha Wadatashiga Qaranka "oo siyaasiyan dhankooda uga xaniban-tahay doorashadda".

"Ugu dambeyn, ayada oo GHDHF ay horey u shaaciyeen jadwalka doorashada golaha shacabka oo ku asteysanaa 24- Disember 2021, wuxuu guddigu caddeynayaa inuu mar walba ku dedaalayay sidii jadwalkaas loo hirgalin lahaa ayna guddiyada heerarkooda kala duwan dhameystireen diyaar garawga qabashada doorashada," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeedka.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayay ugu baaqeen "inay gutaan mas’uuliyadda saaran ayna dedejiyaan doorashada golaha shacabka, iyadoo la raacaya habraacyada iyo hanaanka hawlgalka doorashada, si loo xaqiijiyo daah furnaanta iyo hufnaanta doorashada".

Bishan December 24-keeda ayuu guddiga horey ugu asteeyay in lasoo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka. Hase ahaatee, waxaa muuqaneysa in ay suurtagal ahayn maadaama waqtiga uu gabaabsi yahay.

"Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federal (GHDHF) wuxuu cadaynayaa in doorashadii kuraasta aqalka sare soo dhamaatay, ayna bilaamatay kuraasta gollaha shacabka ilaa haddana 24 kursi la qabtay doorashadooda, iyadoo laba ka mid ah natiijadooda guddigu laalay, halka kursi kalana dacwadiisu la taallo guddiga xalinta khilaafaadka," ayay hoosta ka xariiqeen.

Ugu dambeyntii, guddiga maamulka kuraasta gobolada waqooyi, maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayay ku bogaadiyeen dardargelinta doorashadda mudaneyaasha Aqalka Hoose kuna booriyey in ay sii dhaqaajiyaan geedi-socodka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM