Guddiga doorashooyinka oo soo saarey go'aano culus

Image
Go'aanadan ayaa u muuqda in ay saameyn ballaaran ku leeyihiin kuraas aad la isugu hayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa war-saxaafadeed wuxuu ku go'aamiyey ku celinta kuraasta doorashadooda la sheegay in aan loo marin habraaca saxda ah sida kuraasta HOP154 iyo HOP103.

Mid kamid ah kuraastan waxaa ku fadhiyey Maxamed Cusmaan Jawaari, guddoomiyihii hore ee Aqalka Hoose waxaana degaan doorashadiisa ay tahay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, sidda ku xusan war-saxaafadeedka, guddiga waxaa uu caddeeyay muranka ka taagan kursi lagu doortay Galmudug ee go’aankooda laga sugayo Guddiga xalinta khilaafaadka

"Guddiga doorashada FEIT ayaa awood u leh aqbalida natiijada doorashada kuraasta iyo Xildhibaanka la soo doorto inuu siiyo kaarka aqoonsiga ee rasmiga ah," ayuu yiri sarkaal ka tirsan guddiga una waramay GO.

Dhanka kale, guddiga doorashada heer Federaal ayaa gebi ahaanba meesha ka saarey habraacii doorashada ee ay horay u qorteen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo guddoomiye Cabdi Xaashi.

Habraacan ay soo saarteen ayaa ahaa mid ku koobnaa kaliya Doorashada Aqalka Sare, balse markii dambe ku darsaday habraaca doorashada Golaha Shacabka oo ka dhigayay inay iyaga maamulaan, maadaama Golaha Wadatashiga Qaran ay horay u soo saareen habraaca doorashada Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntii, guddiga xalinta khilaafaadka ayaa muddo tobban casho dheeraad ah ku darsadey xalka dooda ka taagan kursiga uu hantey Yaasiin Farey ee degaan doorashadiisu tahay magaaladda Dhuusamareeb ee Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM