Guddiga gurmadka qaraxii Ex-kontarool Afgooye oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeynaya gurmadka dadka waxyeellada kasoo gaartay weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarka ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen.

Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu ku waaniyey dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo argagaxisada.

Inta ka xaqiijiyey ku dhowaad 80 ruux oo u badan shacab gaar ahaan arday Jaamacadeed ayaa ku dhimatay weerarkii saaka oo loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyey in gaariga uu waday naftii hore ka tirsanaa maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Bishii August, 2019 ayay ahayd markii qarax noocaan ah uu ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye, halkaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan tobban ruux kuna dhaawacmeen tirro kale.

Hoos ka akhriso magacyadda guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Madaxa AUSSOM xilli xiriirka Villa Somalia iyo beesha caalamka liito

Hadalka Wasiirka ayaa dhinaca kale imaanaya xilli hoos u dhac ku yimid….

  • Soomaliya

    18-04-2025

  • 05:34AM

Hormuud Telecom: Horseedka Kobaca Suuqa Dhijitaalka Soomaaliya 

Tan iyo markii la aasaasay 2002, Hormuud Telecom waxay door muhiim ah ka qaadatay dhismaha kaabeyaasha dhijitaalka ah ee dalka.

  • Soomaliya

    17-04-2025

  • 06:20PM