Guddiga xeer hoosaadka Barlamanka DFS oo kulan u furmey

Image
Image
Image

KAMPALA, March 3,2015- Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si rasmi ah magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay aqoon kororsi la xiriira habraaca ugu fudud ee loo mari karo wax ka bedelka iyo dib u eegista had iyo jeer lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Golaha.

Munaasabad kooban oo lagu furayey aqoon kororsigan waxaa ka qeybgalay Guddoonka iyo Xubnaha Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda ee Baarlamaanka, Xildhibaanno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas'uuliyiin ka socotay hay'adda tababarkan taaba gelineysa ee AWEPA.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo faah faahin ka bixiyey aqoon kororsiga magaalada Kampala uga furmay Guddiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka ayaa tilmaamay in Xeer Hoosaadka uu yahay furaha Baarlamaanka islamarkaana mar walba oo Kalfadhiga Goluhu furmayo wax ka bedel iyo dib u eegis lagu sameeyo ayadoo la eegayo qodobbadii saameynta lahaa Kalfadhigii lasoo dhaafay islamarkaana mudada uu tababarkan socdo ee u dhaxeysa 03-07March ay guddigu diiradda saari doonaan qodobbada wax ka bedelka u baahan.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa la filayaa in uu soo xero tababarkan oo qeyb ka ah tababarro dhowr ah oo guddiyada Golaha Shacabka ku qaadan doonaan dalka dibaddiisa inta lagu jiro fasaxa caadiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

----DHAMMAAD---

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka
Media and Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM