Guddoomiye Aadan Madoobe oo digniin cusub soo saarey

Image
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan dadaalo ay waddo xukuumada Soomaaliya.

 

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka digay heshiisyo caalami ah oo ay dowladda la gasho dowlado kale oo aan baarlamaanka la soo marsiinin.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa digniintan soo saaray, xilli haatan la hadal hayo heshiiska qaadka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, oo Nairobi ay sheegtay in dhowaan la saxiixayo.

Aadan Madoobe, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da, ayaa sheegay in marka hore ay xukuumadda soo gasho heshiisyada caalamiga ah ka dibna baarlamaanka loo soo gudbiyo si ay u ansixiyaan.

 “Marka ay xukuumadda ay soo gasho heshiis caalami ah baarlamaanka ayay u soo gudbineysaa oo ansixinaya, wax ka baddalaya amaba diidaya,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Aadan Madoobe oo wax laga weydiiyey waxa uga qorsheeysan heshiiska qaadka ee lagu wado in 5-ta bisha July lagu saxiixo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa yiriu

 “Arrimaha diblomaasiyadda Kenya iyo Soomaaliya waa inaga horreyeen oo sida lagu kalatagay ma naqaan sidaa darteed dib u eegis ayaan ku sameyn doonnaa oo hadda kuma degdegyno laakin mabdi’iyan waxaan kuu sheegeyaa haddii heshiis caalami la galo waa in baarlamanka uu ansixiyaa.”

Kenya ayaa qarka u saaran inay dib u hesho suuqa jaadka ee Soomaaliya iyadoo la filayo in heshiiska la saxiixo horraanta bisha Luulyo.

Wasiirka beeraha Peter Munya ayaa dhamaadkii toddobaadkan shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

 “5-ta bisha Luulyo ee soo socota, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi,” ayuu yiri Munya xilli lagu gudajiray ololaha doorashada Kenya ee lagu inay dhacdo bilowga bisha August.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso, ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM