Gudoomiyaha Bakool: Waxaa nagu hareereysan AS, ma haysanno hub aan kula dagaalanno

Image

XUDUR - Maxamed Cabdi Tall, Gudoomiyaha Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in Shabaabka ay s buuxda u hareereeyeen gobolka, islamarkaanka uu qarka u saaran yahay inay la wareegaan.

Al-Shabaab ayaa u dagaalamaysa mudo 17 sano ah sidii ay meesha uga saari lahayd dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto.

Maxamed Cabdi Tall ayaa sheegay in dadka ku nool gobolka ay halis ugu jiraan in ay disho Al-Shabaab, maadaama aysan haysan hub iyo taageero dhanka saadka ah, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka liidato sidii hore oo aysan  difaaci karin.

“Waxaan wajahaynaa khatar weyn oo ah in Al-Shabaab ay la wareegaan, waxaa nagu hareereysan Al-Shabaab, mana haysanno hub aan kula dagaalanno, khatar weyn ayaan ugu jirnaa in ay na dilaan kooxda iyo maleeshiyo beeleedka” ayuu yiri guddoomiyaha. 

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu aysan waxba ka qaban sidii shacabka looga badbaadin lahaa khatarta Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin dilalka joogtada ah ee ka dhacaya gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa si kastaba ha ahaatee, lumisay magaalooyin istaraatiiji ah oo ku yaala Soomaaliya labadii sano ee ugu dambeysay, kadib markii la bilaabay wajigii koowaad ee howlgallada oo ka dhacayay gobollada dhexe ee Soomaaliya ee Galmudug iyo Hirshabeelle.

Balse howlgalladan ayaa ah kuwo aan weli laga fulin Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, iyadoo dowladda ay ku celcelisay inay wiiqi doonto Kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Xoogga dalka ayaa la filayaa in bilaha soo socda ay kala wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

ATMIS oo ay wehliyaan Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Kooxda ayaa sidoo kale la sheegay in ay soo wajahday culeys dhaqaale kadib markii ay dowladda xirtay inta badan ilihii dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM