Jawaari oo doonaya in xilka loo kordhiyo Barlamanka Federaalka

Image

Dec 16, 2015 (GO)- Tan iyo intii kulamada magaalada Muqdishu uga socdeen madaxda Somalida kuwasoo looga hadlayo qaabka ay noqoneyso doorashada sanadka 2016 ayaa waxaa soo ifbaxey qorshe afhayeenka Barlamanka dowlada Federaalka ku shirqoolayo wadahadlkaan.

Maxamad Cismaan Jawaari ayaa wararka kasoo baxaya dhaqdhaqaqyadiisa siyaasadeed sheegayaan inuu raadinayey in wadahadlka u dhexeeya madaxda Somalida ku dhamaado guuldaro si taasi u sahasho in Barlamanka Federaalka hadda jira loogu sameeyo kororsi halsano ah.

Talaabadaan oo aan soo dhoweyn fiican ka helin beesha caalamka oo shirkaan garwadeen ka ah ayaa waxaa lagu doonayey in Barlamanka Federaalka hal sano loogu daro inta uusan waqtigoodu dhamaan kadib-na doortaan dowlad cusub taasoo wadanka ka shaqeysa muddo labo sano ah.

Dhinaca kale wararkaan ayaa sheegaya in qorshahaan dabada ka riixayaan siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdishu kuwaasoo ay u furan yihiin xisbiyo ay rabaan iney kaga qayb galaan doorashada sanadka 2016.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh oo siyaasad ahaan aad isugu dhowyihiin Shariif Xasan iyo Jawaari ayaa ku taageeray qorshaha uu ku doonayo in Barlamanka soo socda sanadka 2016 lagu soo dhiso nidaamka 4.5.

Shariif Xasan oo ahaan jirey gudoomiye Barlamanka dowladihii KMG ayaa gacanta ku haya inta badan xildhibanaada kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle kuwasoo tiro badan ku hela nidaamka 4.5.

Xasan Shiikh oo beelaha uu kasoo jeedo ka horyimaadeen maalmihii lasoo dhaafey in wax lagu qaybsado 4.5 ayaa isaga iyo kooxdiisa 'Damuljadiid' raadinayaan in talada dalka ku qabsadaan markale iyagoo adeegsanaya nidaamkaan '4.5' taasoo sahleysa  in odey dhaqameedyada la iibsado kuwasoo soo xulaya xildhibaano codka siiya dowladiisa sanadka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM