Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday

Image

26 Octobar, 2016(GO)-Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xilkii laga qaaday, sida uu xaqiijiyey afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Sida uu sheegay afhayeenka, waxaa madaxweyne Xaan Sheekh uu Muungaab ku beddelay nin lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Illaa iyo hadda lama sheegin sababta xilka looga qaaday guddoomiyaha, mana jiraan wax faahfaahinno dheeri ah oo arrintan ku saabsan.

Xigasho: VOA

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM