Gudoomiyihii degmadda Qoryooley oo lagu khaarijiyey qarax miino

Image
Wararka ayaa intaas ku daraya in khasaaraha ay qayb ka yihiin askar ilaalo u ahayd.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Gudoomiyihii degmadda Qoryooley, Saciid Ibraahim Xasan, ayaa Talaadada maanta ah wuxuu ku geeriyooday qarax miino oo lala eegtay gaari uu la socdey.

Wararka ayaa intaas ku daraya in khasaaraha ay qayb ka yihiin askar ilaalo u ahayd. Madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsiyeeyey geerida marxuumka.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa looga bartey falalka noocaan ah. Al-Shabaab ayaa isugu soo aruurtey koonfurta Soomaaliya kadib markii cadaadis uu kasoo fuulay goboladda dhexe.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA LAFTAGAREEN

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Degmada Qoryooley Siid Cali Ibraahim Xasan oo ku geeriyooday Qarax ay Argigixisadu ay kula beegsadeen Degmada Qoryooleey.

Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in Argigixisada Alshabaab mar waliba ay Bartilmaameed uyihiin Haldoorada u adeegaya Bulshada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaana uu xusay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, laguna Xasuusto Doorkii uu ku lahaa Nabadaynta Bulshada Degmada Qoryooley iyo sida uga go’nayd inuu u adeego Shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan Alle ha u naxariistee marxuum Siid Cali Ibraahim Xasan Qaraabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku Timid Marxuumka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftafareen ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.


Qaraxyadda loo adeegsado miinooyinka ayaa kamid ah xeeladaha ay kooxaha argagixisadda la beegsadaan mas'uuliyiinta dowladda kuwaasoo waxyeeladda ugu badan uu kasoo gaaro madaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM