Gudoomiyihii hore baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

Image
Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhintay isaga oo 79-sano jir ah, sidda ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Jimco ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho isaga oo 79-sano jir ah.

Jawaari ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Siyaad Barre oo uu ka mid ahaa wasiirka gaadiidka, shaqada iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale, Jawaari oo ka soo baxay kuliyadaha sharciga ee Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan noqon guddoomiye Baarlamaan waxa uu ahaa guddoomiyaha guddiga khubarada dastuurka ee u qaabilsanaa diyaarinta dastuurka hadda jira.

Jawaari ayaa guddoomiyaha baarlamaanka  loo doortay Agoosto 2012; waxaana mar kale dib loo doortay Janaayo 2017.

Bishii April 2018 ayuu xilka iska casilay kadib cadaadis uga yimid dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo ay isku-khilaafeen qaabka loo maareynayo arrimo badan oo masiiri ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Doorasho La Boobo Soomaaliya Kama Dhici Karto

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale si adag uga hadlay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    07-06-2026

  • 12:42PM

Howlgal Lagu Beegsaday General Odowaa iyo Madaxda Mucaaradka oo ka hadlay

General Odowaa Yuusuf Raage, guryo iyo hanti gaar loo leeyahay, iyo waliba shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka Muqdisho.

  • Soomaliya

    06-06-2026

  • 01:27PM