Gurmadka abaaraha Soomaaliya oo loo goobayo $66 milyan

Image
IOM ayaa sheegtay in ay sare u qaadayso waxqabadkeeda ayna caawisay in ka badan 350,000 oo qof.

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ee International Organization for Migration (IOM), ayaa Jimcihii codsatay 66 milyan oo Doollarka Mareykanka ah si loo gaarsiiyo in ka badan 1.25 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool gargaar bini'aadantinimo marka la gaaro Febraayo 2023.

IOM ayaa sheegtay in ay u baahan tahay dhaqaale degdeg ah si ay u sii wado barnaamijyada muhiimka ah ee naf-badbaadinta iyo caawinta bulshooyinka ay adkaysi ugu yeeshaan marxaladaha adag ee Mustaqbalka.

“Ka jawaabista IOM iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ah mid looga hortagayo natiijada ugu xun, balse baahida ayaa si degdeg ah u kordheysa iyadoo xaaladda abaarta ay ka sii dareyso,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay IOM ka soo saartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 7.1 milyan oo qof, ku dhawaad kala bar tirada guud ee dadweynaha, ayaa wajahaya heerar taariikhi ah oo abaareed oo ka jira wadanka ku yaalla geeska qaarada Afrika.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (OCHA) ayaa Jimcihii xaqiijiyay in uu helay 260 milyan oo dollar oo loogu talagalay jawaabaha gargaarka bini'aadanimo ee Soomaaliya sanadka 2022, taasoo fududaynaysa dadaallada lagu bixinayo gargaar degdeg ah oo nafo lagu badbaadiyo in ka badan 2.8 milyan oo qof oo ay saameeyeen isku dhacyada, abaar ba’an ee dalka ka jirta iyo cuduro.

IOM ayaa sheegtay in ay sare u qaadayso waxqabadkeeda ayna caawisay in ka badan 350,000 oo qof oo ay abaartu saamaysay - taasoo ah tii ugu darnayd ee la arko muddo tobanaan sano ah ka dib markii afraad oo isku xigta oo aysan di'in roobabkii.

"Ku dhawaad 800,000 oo qof ayaa ku barokacay abaarta tan iyo horraantii 2021, ugu yaraan nus milyan ka mid ah ayaa ku barokacay afartii bilood ee ugu horreysay sanadkan. Haweenka iyo carruurta ayaa 80 boqolkiiba ka ah dadka cusub ee soo barakacay," ayaa lagu yiri.

Xaalado qalalan oo aad u ba'an ayaa sii xumaanaya mashaqada bini'aadantinimo ee Soomaaliya ee tobanaan sano jirtey oo ay sababeen iskahorimaadyada, xasilooni darada, jahawareerka cimilada ee soo noqnoqda, iyo cudurro dillaacay.

IOM waxay sheegtay in biyo la'aan ba'an, dhimashada xoolaha - ku dhawaad 3 milyan - iyo sare u kaca qiimaha cunnada ay sii xumeyneyso baahida malaayiin qof oo si deg deg ah ugu baahan taageero iyadoo dalku uu wajahayo xilli roobaadkii shanaad oo dhicisoobay dabayaaqadii 2022.

Waxa ay sheegtay in cuntada, biyaha, daryeelka caafimaadka, iyo hoyga ay yihiin baahiyaha degdegga ah iyada oo 213,000 oo qof ay soo food saartay heerar gaajo daran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM