Guudlaawe oo ku gacan-sayray qorshe uu watay Fahad Yaasiin

Image
Lataliyaha amniga qaranka ayaa u ordaya kursi degaan doorashadiisu tahay Beledwayne.

JOWHAR, HirShabelle – Saraakiil ka tirsan hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo Jowhar u tagay sidii xildhibaan looga dhigi lahaa Fahad Yaasiin, taliyihii hore NISA ayaa dib ugu laabtay magaaladda Caasimadda ee Muqdisho ka dib markii ay guuldaraysteen in madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ku qanciyaan damacooda oo lagu tilmaamay mid lagu boobayo kuraasta qaarkood.

Saraakiishaa waxaa hoggaamiyay wasiiru dowladaha gaadiid ee XFS Cabdiraxmaan Dheere iyo wiil gacan yare u ah Fahad Yaasiin oo magaciisa lagu soo koobay Aanas ayaa ku soo guul-dareystay qorshe ay doonayeen inuu u fuliyo Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle.

Sida ay tilmaamayaan warbixinaha xubnahaan oo wakiil ka ahaa Fahad ayaa Cali Guudlaawe ka dalbaday in si hor maris ah loogu soo saaro doorashada shan ka mid ah kursasta golaha shacabka ee taalla Beledweyne, kuwaas oo uu ku jiro kursiga Fahad Yaasiin uu u tartamayo ee haatan uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Fahad ayaa sheegay in qorshihiisa uu yahay in sanadkaan uu u tartamo kuriga guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka. Jagadaas waxa hada ku fadhiya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Ilo xilkas oo diiday in magacooda xigano ayaa xaqiijiyay in Cali Guudlaawe uu diiday qorshaha ay ula tageen xubnihii ka socday Fahad Yaasiin.

Cali Guudlaawe ayaa la sheegay inuu ku dooday in qorshahaas uusan fuli karin isagoo aan tegin Beledweyne, sidoo kalena aysan dhammaan doorashada kuraasta golaha shacabka ee taalla magaalada Jowhar.

“Xubnihii uu soo wakiishay Fahad Yaasiin waxa ay dib ugu laabteen Muqdisho, iyagoo wax natiijo ah aan ka sidin Cali Guudlaawe,” sidaas waxa Warsidaha Garowe Online u sheegay sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabeelle.

Dhinaca kale xubno ka tirsan kooxda ololaha Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Axmed ayaa Jimcihii shalay tegay magaalada Jowhar, kuwaas oo qorsheynaya in Madaxweynaha HirShabeelle ay kala hadlaan kuraas dhowr ah oo ay rajo ka qabaan saaxibadood ku soo baxaan.

Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho iyo caasimadaha dowlad-goboleedyada waxaa ka socda doorashada golaha shacabka waxaa magaalooyinka qaar laga soo wariyay daah furnaan la’aanta doorashada taas hoos u dhigaysa rajadii laga qabay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda wadanka oo in ka badan 30 samo ay ka socdaal dagaalo sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM