Guudlaawe oo soo saarey amar la xiriira amniga doorashada

Image
Image
Image
Go'aankan ayaa si gaar ah wuxuu u khuseeyaa magaalooyinka Beledwayne iyo Jowhar.

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu shir gudoomiyay kulanka Amniga Dowladda Hirshabeelle.

Shirka waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiisha qeybta iyo Taliyaha Madaxtooyada.

Sidoo kale, waxaa kasoo muuqdey Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, saraakiil ka socotay taliska booliiska Hirshabeelle, saraakiisha qeybta guud ee Gobolka, iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Guudlaawe ayaa ayaa faray saraakiisha hay'addaha Amniga inay xoojiyaan oo ay laba laabaan amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ay ka dhacayaan dhowaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka.

Madaxweynaha ayaa laba maalmood kahor wuxuu dib ugu laabtey Jowhar kadib markii uu maalmo badan ku qaatay caasimada Muqdisho isaga oo ka qeybgalay shirka doorashada.

"Dhowaan waxaan bilaabi doonaa doorashada Golaha Shacabka waxaana rajeynayaa in Alle guul noogu dhameeyo," ayuu Facebook-ga ku daabacay kadib markii uu tagay Jowhar.

Heshiiskii 9-kii Janaayo ee 2022-da ayaa xeerinaya in coddeynta lagu soo gabagabeeyo muddo 41 casho ah iyadda oo ay hareeyeen digniino ka yimid caalamka oo ahaa in aan la dhaafin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM