Hab-dhaqan caan baxay sanadihii dambe oo la masaxayo

Image
Madaxtooyadda Qaranka ayaa go'aan cad ka qaadatay hindisahan oo uu hirgeliyey maamulkii Farmaajo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka cusub ee Villa Somalia ayaa beeniyay in Madaxtooyada ay qoraneyso dhalinyaro baraha bulshada ka difaaca madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud taasi oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.

Cabdikariin Cali Kaar oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda, ayaa arrintaas ku tilmaamay inay aflagaado ku tahay odeytinimada iyo dulqaadka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waa been arrintaas ma jirto waxaana kuu sheegayaa arrintaasi waxay aflagaado ku tahay odeynimada akhiyaarnimada, dulqaadkii, dimuquraadiyaddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ololaha ku galay” ayuu yiri Afhayeenka cusub ee Villa Somalia.

Hadalka Afhayeenka ayaa meesha ka saaraya warar si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, kuwaasi oo sheegayay inay Madaxtooyada qoraneyso ama qoratay dhalinyaro difaaca Madaxweyne Xasan, sidii madaxweynihii ka horeeyay oo kale.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sida la wada ogyahay dhaqaale badan ku bixin jiray dhalinyaro ka difaacda baraha bulshada, una faafisay dacaayado ka dhan ah siyaasiyiinta ay is-hayeen, kaasi oo laga cabsi qabay in uu noqdo jid furtay oo madaxda dambe qaadi doonto.

Dhalinyaraas oo Farmaajo ugu yeeray xoogga wadaniyiinta ayaa caan ku ahaa CBB (Cayayaanka Baraha Bulshada) oo uu bixiyay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa mucaaradka muuqda ee maamulkii Farmaajo.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa sidoo kale ku celiyay in maamulka cusub uusan beegsan doonin dhalinyaradii horay ula soo shaqaysay maamulka Farmaajo balse ay dadka ku kala xulandoonaan “shaqadaan qofku maka soo bixi karaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ololihiisi guuleystay ku galay inuusan cidna bartilmaameedsan doonin, waxkastana hore looga socon doono ayaa meesha ka saaray dhaqanka noocaas ah sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM