Hadafka Xasan Sheekh ee 100-ka casho ugu horeysa xil-heyntiisa

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay shan qodob oo bartilmaameedka koowaad u ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in 100-ka maalmood ee ugu horeeya xafiiskiisa uu diiradda saari doono dib-u-habeynta maaliyadda, amniga, dhaqaalaha iyo sharciyadda ciidamadda iyo hay’adaha dowliga ah.

"Waxaan kaloo rajeynayaa in 100-ka maalmood ee ugu horeysa xafiiskayga aan gabagabeyno ama aan meel fiican gaarsiino deyn-cafinta," ayuu u sheegay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, madaxwayne Xasan ayaa ka qeybgalay shir ay isugu yimaadeen Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Aduunka iyo Hay’adaha Lacagta Aduunka IMF kaasoo looga hadlay qadiyadan.

"Rajada Soomaaliya ee ah gaarista deyn-cafis dhameystiran ayaa hada ah mid aaad u sareysa," ayuu kulanka kadib Facebook-ga ku qoray Cabdiraxmaan Bayle, wasiirka maaliyadda oo qeyb ka ahaa is-araggan.

Xukuumadihii isaga kala dambeeyay talada Soomaaliya ee ay kala hogaaminayeen Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa bar-dhamaad waxay soo gaarsiiyeen nidaamka deyn-cafinta dalka.

Dabar-goynta nidaamka 4.5

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in uu soo afjari doono nidaamka awood qeybsiga qabiilka ku saleysan ee 4.5 kaasoo ay ku yimaadeen Xildhibaanadda isaga u doortey madaxweynaha 10aad ee dalka.

"Ma jeclin in doorashadda dadban iyo 4.5 ay soo noqoto 2026-ka oo muddo xileedkeena uu dhamaanayo. Waxaana la imaan doonaa nidaam ka duwan kan oo Soomaaliya heshiis ku tahay," ayuu Xasan hoosta ka xariqay.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey is-qabqabsiga madaxweynaha iyo ra’iisul wasaareyaasha ee lagu bartey dowladii uu hogaaminayey 2012-kii illaa 2017-kii, madaxweynaha ayaa xusay inuu xalinayo.

Saddex ra’iisul wasaare ayuu magacaabay intii uu ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisii koowaad. Dastuurka ayuu ku eedeeyay khilaafka soo noq-noqda ee labada mas’uul ee ugu sareysa hay’adda fulinta waddanka.

Dhameystirka dastuurka qabyadda ah ayaa kamid ah waajibaadyadda ugu muhiimsan ee horyaala dowladda uu majaraha u hayo Xasan Sheekh Maxamuud. Hadal-jeedintiisa madaxtinimadda wuxuu ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono sidii uu u soo gabagabeyn lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM