Hadaljeedinta musharaxiinta madaxweynaha oo bilaabanaysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka bilaabaneynsa hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha, iyada oo maanta khudbadadooda la dhageysan doono illaa 20 musharrax oo ka mid ah 39 is-diiwaangeliyey.

Musharixiinta hadlaya ayaa la siiyey min 15 daqiiqo, si ay uga warramaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Ammaanka xerada ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo lagu wareejiyey ciidamada howlgalka ATMIS, ex AMISOM si ay u sugaan amniga inta ay socota doorashada.

Afhayeenka guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka dalbaday xubnaha musharixiinta ah inay waqtiga ilaaliyaan, isla-markaana ay goor hore gaaraan gudaha xerada Afisyooni.

"Waxaa billaabaneysa hadal jeedinta musharixiinta oo ka dhaceysa teendhada Afisiyooni, musharax weliba waxaa loo qorsheeyay 15 daqiiqo, qof weliba waa in uu ilaaliyaa waqtiga uu ku qoran yahay, waxaana aad u muhiim ah oo qof weliba lagula xisaabtamayaa waqtigaas” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka tirsan guddiga.

Sidoo kale qaybta labaad ee hadaljeedinta ayaa dhaceyso beri oo Khamiis ah, kuna beegan 12-ka May, waxaana khubadahooda jeedinayo madaxdii hore oo uu ku jiro Farmaajo.

Doorashada madaxweynaha oo loolan adag loo gali doono ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalinta Axada ah ee soo socota, kuna beegan 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM