Halheyska Ololaha Farmaajo oo dagaal ka qarxiyay Baraha Bulshadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hal-ku-dhigga Ololaha doorashadda Farmaajo ee “Isbedel doonka socda”, ayaa hadal-heyn ka abuuray baraha bulshadda, iyadoo dagaal afka ah ku dhexmaray taageeriyaasha Villa Soomaaliya iyo xubno katirsan Mucaaradka.

Dad badan ayaa la-yaab ku noqotay in Farmaajo isasoo sharaxo, islamarkaana uu ISBEDEL doon inuu yahay kusoo galo olole, isagoo xukunka wareejin waayay markii uu mudo-xileedkiisu dhamaadey 2021.

Mahad Salaad, oo kamid ah Baarlamaanka 11-aad, ayaa bartiisa Fecbook soo dhigay qoraal uu uga feclinayo ololaha doorashadda Farmaajo, ooh adda Kooxda xafiiskiisa ka billowday baraha bulshadda.

“Shan (5) sano kadib hadiiba Farmaajo uu maanta leeyahay ‘ISBEDDEL DOON AYAAN AHAY’, wallee waxaan hubaa GABOW MOOYEE IN UUSAN GARAAD U KORDHIN shantii sano ee uu Villa Soomaaliya joogay! Markaan oo kale waxa igu soo dhacda maansadii Abwaan Gaariye AUN ee ahayd: “Hadaan guga kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin garaad iyo waayo arag ilayn wax ma dhaantid geed”.

Waxaa u jawaabey Mahad Salaad, ninka ku magacaaban ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed, oo la rumeysan yahay inuu yahay mashiinka CBB-da baraha bulshadda.

“Xildhibaan Mahad Saladoow intii aad taqiineen waa dhaaftay hawshu ee bal warayso shaqaalihii dowladda, ciidamadii qaranka iyo xitaa hantidii dadweynaha ee aad barna dhisateen, barna kireysateen sideey uga reysteen Xukunka Damul Jadiid. Teendhada yaan laga habaabin. Soomaali waa idin baratay inaadan waxba hambaynin,” ayuu Cabdinuur uu jawaabey Mahad Salaad.

Sidoo kale, waxaa dadkii falcelinta sameeyay kamid ah Xildhibaan hore Axmed Maclin Fiqi oo ku tilmaamay Hal-hayska Farmaajo inuu micnihiisu yahay isbedelka haloo hiiliyo.

“Kalimaddda isbededoonka socda sow lama micno ahan kii isebdelka rabay ee awooddu ay ku yaraatay dabadeedna huleeley! Waa ninkeed sheega ma dhaafto ama sida waayadan danbe socotay in odagu uu quustay oo uu doonayo isbedeldoonka socda in uu wax ku callaasho. Talo ma seegin! Labada dhinacba kii loo qaado duqii waa ku daayay ayaa soo baxayso kalase roon. Waxaa kale oo dhici karta odayga in laga adeegtay oo niman raba in ay daba goostaan ay soo curiyeen hal-hays aan xaaladda iyo waqtiga la joogo midna ka turjumayn, waana kuwii wadada ka lumiyey shantii sano ee la soo dhaafay. Hal-hayska Farmaajo waa isbedelka haloo hiiliyo,” ayuu yiri Fiqi.

Dad badan ayaa sidoo kale ka hadlay ololaha Farmaajo, oo dhaliilo badan u jeediyay, iyadoo Villa Soomaaliya ay wado dagaal shaqsiyaadkii soo hadlay lagu weerarayo, iyadoo la adeegsanayo dhalinayro lacag lagu siiyo aflagaadeynta mucaaradka Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM