Halkee ku dambeeyeen ciidamadii Eritrea?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Goormaa kuugu dambeysay hadal haynta ciidamadii Soomaaliyeed ee Eritrea ugu maqnaa tabobarka mudada sanooyinka ah?, haddaba warar cusub oo welwel leh ayaa kasoo kordhay maalmihii lasoo dhaafay.

Kadib 100kii maalmood ee uu xafiiska joogay madaxweyne Xasan Sheekh, muuqaal borobagaando ah oo Villa Soomaaliya ay baahisay ayaa waxqabadka madaxweynaha lagu soo daray booqashadii uu booqday ciidamada Eritrea ku maqan, iyo kulankii uu la qaatay waalidiinta dhallinyaradaas , iyada oo muuqaalka lagu soo duubay hooyo wiilkeeda ka maqanyahay ay sheegtay in ay qanacday markii ay aragtay in madaxweynaha booqday ciidamada.

Haddaba warka dhiilada leh ee soo kordhay ayaa ah in ciidamada Eritrea ay markale si xoog leh uga qeyb yihiin dagaalka Itoobiya iyo jabhadda Tigreega, kaas oo aanan waxbo la isu reeban, mararka qaarna la sheegay in difaacyada la isla jiiray. Meeshana lagama saarin suurtogalnimada in ciidamada Soomaalida ay ku lug yeelan karaan dirirta socota.

Welwelka ugu badan ee jira ayaa ah in illaa iyo hadda aysan jirin cid madax banaan oo soo xaqiijisisay tirada askarta Soomaalida ee Eritrea, cidda keliya ee sheegtay in ciidamada dhanyihiina ay tahay dowladda.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha dowladda ayaa muujinayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo kan Eritrea oo booqanaya xerada lagu tabobaro ciidamada Soomaalida, hase yeeshee waftida Soomaaliya ma aysan la socon saxaafadda madaxa banaan.

Sawir  kamid ah kuwa la baahiyey ayaa waxaa uu muujinayey Madaxweynaha oo la taagan qayb kamid askarta iyadoo ay wehliyeen labo askari oo Eritrean ah. Dadka u guurgala arimaha amniga ayaa Garowe Online u sheegey in labadaan askari ay da’ahaan ka waynaayeen kuwa noqda ilaalada gaarka ah balse u muuqdeen kuwa fahmaya luqada Soomaaliga ah oo loogu talagalay iney dhageystaan kalmadaha ay is waydaarsanayeen Madaxweynaha iyo askriga Soomaaliga ah.

Tan iyo intii uu madaxweynaha kasoo laabtay safarkii Eritrea , dowladda ma aysan sheegin wax qorshe ah oo ku aaddan xilliga ciidamada lasoo celinayo iyo sida laga damacsanyahay.

Waxaa jirey warar hore oo soo baxay oo sheegayay in dowladd Eritrea ay sheeganayso lacago daymo ah oo ay ciidanka ku tabobartay, taas oo ay tahay in ay bixiso dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, markasta oo ay sii maqnaadaan ciidamadaas, markasta oo dowladda aanan war laga helin, iyo markasta oo gobolkaasi ay dagaalada kasii hurayaan, waa markasta oo welwelka iyo walaaca laga qabo ciidamadaas uu sare usii kacayo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM