Halkuu marayaa abaabulka Xasan Sheekh kawado Galmudug?

Image
SAWIRKA: SONNA

MUQDISHO, Soomaaliya - Khudbad uu dhawaan ka jeediyay Madaxtooyada Galmudug ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku daah furay istaraatiijiyad dhinacyo badan leh oo looga hortagayo khatarta joogtada ah ee Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa si cad u qiray in ku tiirsanaanta howlgallada ciidamada aysan ku filneyn ciribtirka al-Shabaab, taasoo keentay in la dejiyo qorshe dhameystiran oo ku saleysan saddex tiir oo muhiim ah oo lagu soo afjarayo colaadda taagan.

Habka cusub uu la yimaaday Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhigan inuu adeegsanayo wadiiqooyin ka duwan madaxdii ka horeysey, isagoo garowsaday in loo baahan yahay siyaasad cad oo qeexan.

Tiirka koowaad ee istiraatijiyaddiisa waxaa ka mid ah xoojinta dadaallada millatari ee ka dhanka ah kooxda xagjirka ah, waxaana tallaabadan lagu buuxinaya tiirka labaad oo ah dagaal fikradeed, iyo tiirka saddexaad oo ah dagaal dhaqaale.

Istaraatiijiyadan dhinacyo badan leh waxay muujineysaa sida ay dowladda uga go’an tahay inay wax ka qabato ma ahan oo keliya sidii cadowga looga guuleysan lahaa dagaalka, balse sidoo kale la bayaanayo qaladaadka fikiriga ah oo ay ku dhaceen iyo in la xiro ilaha dhaqaale ee lacagta uga soo xarooto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan midnimada, isagoo ku nuux-nuuxsaday in ficillada kooxdan aysan ka tarjumayn dhaqanka saxda ah ee diinta, balse ay ka turjumayaan xeeladaha wax-is-daba-marinta ee la doonayo in looga faa’ideysto dadka aan caqliga laheyn.

Waxaa xusid mudan in sidoo kale istaraatiijiyaddan ay tahay mid ku qotonta dadaallada uu wado Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi QoorQoor. Labada mas’uul ayaa dhawaan guddoominayay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay amniga iyo dadaallada dib u xoreynta.

Isku-dubbaridka u dhexeeya ayaa xaqiijinaya sida ay xaaladdu u culus tahay iyo sida ay ummaddu uga go’an tahay ciribtirka argagixisada. Sidoo kale, ballan qaadka lagu xoojinayo ciidamada qalabka sida ka dib bixitaanka ciidamada ATMIS waxay xaqiijineysaa sida ay dowladdu ugu heelan tahay in si habsami leh lagu soo wareejiyo mas’uuliyadda amniga.

Deegaanada Galmudug waxaa si la mid ah ka socda horumaro balaaran oo lagu dhameystirayo wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dadka deegaanka oo hub qaatay si ay deeganadoodii u difaacaan ayaa si firfircoon uga qayb qaatay abaabulka,

Ciidamadaan deegaanka ah oo si heer sare ah loo qalabeyay ayaa lagu soo bandhigay magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb, iyo Cadaaado, taasoo muujineysa sida ay shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay inay dalkooda dib uga soo ceshadaan gacanta argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo booqanaya Masar kadib heshiis Abiy Axmed oo ka nixiyay Al-Siisi 

Mawduucyada la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah amniga, ganacsiga, iyo siyaasadda isbeddelaysa ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    21-01-2025

  • 12:39PM

Safarka Axmed Madoobe ee Kenya oo Khilaafka ka dhex abuuray Xasan Sheekh iyo Xamse

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre sidoo kale wuxuu doonayaa in Safiirka Soomaaliya ee Kenya dalka inuu yimaado loogu yeero.

  • Soomaliya

    21-01-2025

  • 11:32AM