Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Image

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamse Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo codka ee ka dhici doonta Jubbaland ay dhawaan bilaaban doonto.

Xamse Cabdi Barre ayaa ku adkeystay in dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ay haatan wadaan ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyagoo u diyaar-garoobaya doorashooyinka maamulka hoose ee taariikhiga ah ee la qorsheeyay in la qabto Oktoobar 2025. Wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid muhiim u ah xaqiijinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dastuuriga ah ee doorashada.

“Jubbaland waxay dhawaan bilaabi doontaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha si dadweynaha gobolka ay u helaan fursad ay ku codeeyaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada, horumarinta maamul wanaagga, iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale cadeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay in dadka Jubbaland ay helaan fursad ay ku codeeyaan, taasoo qayb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu horumarinayo dhismaha dawladnimada iyo xasiloonida siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa weli jira, taasoo abuurtay su’aalo ku saabsan sida hawsha diiwaangelinta u dhici doonto. Sidoo kale, kooxaha mucaaradka iyo dowlad-goboleedka Puntland ayaa diiday ololaha diiwaangelinta, iyagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay si kelitalisnimo ah u wado howsha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM