Hanaanka doorasho ee Soomaaliya waxtaraya oo la shaaciyey

Image
Image
Image
Image
Guddiga doorashooyinka heer federaal iyo deeq-bixiyeyaasha ayaa ku kulmay xafiiska UN-ka ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF)& xubno kamid ah GHDHF, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabishan Soomaaliya, James Swan, iyo deeq-bixiyeyaasha.

Kulankan oo ka dhacay xarunta U-ka ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay qodobbo dhowr ah oo ku qotoma dardargelinta hawlaha doorashooyinka 2021 oo ay ka mid ahaayeen;

•Horumarka illaa hadda lagu tillaabsaday

•Caqabadaha ku gedaaman geeddi-socodka doorashooyinka

•Waxyaabihii ka khaldamay hannaanka doorashooyinka iyo sida loo sixi karo; iyo

•Baahida loo qabo in Dowlad-Goboleedyada harsan ay deg-deg u billaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka.

Dhanka, xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa fahfaahiyey is-araggan. War-saxaafadeed kooban ayuu ku caddeeyay in ay kawada hadleen dardargelinta coddeynta.

Kulan ay maanta la yeesheen Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal, Guddiga Hirgalinta doorashada heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada, deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa looga hadlay howlaha doorashada ee la qabtay ilaa iyo hadda, "waxaana hoosta laga xarriiqay in loo baahanyahay xaqiijinta hannaan doorasho oo si weyn la isugu halayn karo lana aqbali karo oo horay u socda".

Dhammaan qodobadii kulanka la iskula soo qaaday ayaa si cad la isugu afgartay, waxaana hoosta laga xarriiqay muhiimadda ay dalka u leedahay hirgelinta doorasho hufan oo daahfuran oo xilli cayiman ku qabsoonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM